Rooble oo war kasoo saaray qaraxii ay Al-Shabaab u qorsheeyeen ee Gaalkacyo

maxamed xuseen Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay garoonka Cabdullaahi Ciise ee magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo lagu soo dhoweynayey ra’iisul wasaaraha.

Qaraxan ayaa waxaa sheegtay kooxda Al-Shabaab, oo war rasmi ah ku sheegtay in qaraxa uu fuliyeey qof is-miidaamiyey oo ka tirsanaa ciidankooda, islamarkaana bartilmaameedka qaraxa uu ahaa ra’iisul wasaare Rooble.

Rooble ayaa qoraal soo saaray ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxeen Saraakiishii qaranka iyo dadkii shacabka ahaa ee ku shahiiday falkii argagixisadu galabta ka geysteen magaalada Gaalkacyo.

“Waxaan dhammaantood Alle uga baryayaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo, ehelkii iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka bexeenna uu Samir iyo iimaan ka siiyo,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in falkan argagixisadu ay ku beegsadeen saraakiisha iyo dadka rayidka ah in uu ka fog yahay naxariista, diinta iyo dhaqanka suubban ee ummadda.

“Argagixisadii falkan geystay waxaan leeyahay, marnaba weerarradiinnu nama niyad jabinayaan, mana istaajinayaan geeddiga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu jiraan nabad waarta iyo qarannimo xoog leh,” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay isku duubnaadaan, una midoobaan cadowgan u diiddan nabadda iyo horumarka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale tacsi u diray qoysaska, ehelada shacabka iyo Saraakiisha Soomaaliyeed ee ku naf waayey qarixii argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Gaalkacayo.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyey Ciidanka Xoogga Dalka geerida Taliyihii Qeybta 21-aad ee CXDS Janaraal Cabdicasiis Cabdulaahi Cabdi (Qooje), Taliyihii Ciidanka Danab ee guutada 10-aad ee Ururka 16-aad Gaashaanle Mukhtaar Cabdi Aadan, Duqii Hore ee Magaalada Gaalkacayo -Puntland- Marxuum Maxamuud Yaasiin Tumey, saraakiisha kale iyo halyeeyada u taagnaa nabadda, xasilinta iyo horumarka Gobolka Mudug.

Qaraxan, ayaa waxaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen ugu yaraan 10 qof, oo ay ku jiraan saraakiil iyo mas’uuliyiin sare, waxaana ku dhaawacmay tiro intaas ka badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here