Ruushka oo calooshood u shaqaystayaashiisa Ukraine qofkiiba siinaya 2000 doolar

calooshooda ushaqaysteyaal carbeed

Baraha bulshada iyo farriimaha gaarka ah ee laisku diro ayaa lagu sheegay in Ruushka uu qoranayo kooxoo calooshood u shaqeystayaal ah oo ka barbar dagaallama ciidamada Ruushka ee ku sugan Ukraine, sida ay BBC-da ogaatay.

BBC-da waxay la hadashay sarkaal ka tirsan kooxahan calooshood u shaqeystayaasha ah ahna dagaalyahan hore oo xiriir dhaw la leh calooshood u shaqeystayaasha Ruushka kaasoo lana wadaagay macluumaadka la xiriira qoridda dagaalyahanadan cusub.

Calooshood u shaqeystayaashan waxay sheegeen in dagaalyahan hore oo ka tirsanaa kooxda qarsoodiga ah ee Wagner in lasoo wacay toddobaadyao ka hor inta uusan bilaaban duulaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine, waxaana dagaalyahanadaas lagu marti qaaday goob loo dalxiis tego oo ku taalla Ukraine, waxaana la siiyay “Solo” oo kamid ah cunto uu ku jiro hilibka doofaarka oo si weyn looga cuno dalka Ukraine.

Farriinta loo diray calooshood u shaqeystayaasha ayaa aheyd sidatan “Kuwa horey dambi usoo galay, kuwa lagu leeyahay deymaha iyo kooxaha kale laga mamnuucay inay ku biiraan Wagner ama aan heysan dal ku gal” ma codsan karaan shaqadan.

Waxaana fursad la siin doonaa dagaalyahanada kasoo jeedo gobollada uu Ruushka heysto ee Luhansk, Donestk iyo Crimea.

Dagaalyahanada Wanger oo lagu arkay bariga Ukraine sanadihii 2014/15
Qoraalka sawirka,Dagaalyahanada Wanger oo lagu arkay bariga Ukraine sanadihii 2014/15

Kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner waxay kamid tahay shirkadaha qarsoodiga ah ee laga leeyahay Ruushka, ma ahan shirkado si rasmi ah u jiro- jiritaankooda wuxuu sharci darro ku yahay xeerarka Ruushka iyo caalamkaba, waxaa la rumeysan yahay in dagaalyahanada kooxdan ay gaarayaan 10,000, waxay toddobadii sano ee lasoo dhaafay la shaqeynayeen Wagner oo qanddaraas la gashay dagaalyahanadaas.

Mid kamid ah calooshood u shaqeystayaasha ayaa BBC-da u sheegay in dagaalyahanada cusub ee la qoraya la hoos geynayo isla markaana ay ka amar qaadan doonaan saraakiisha cutub la yiraahdo GRU oo hoostaga laanta sirdoonka militeriga Ruushka ee wasaaradda gaashaandhigga.

Wuxuu carabka ku adkeeyay in xeerka wax qoridda wax laga baddalay balse la raacayo xeerar wax xaddidayo, “Qof kasta ayay qorayaan”, ninkan kuma faraxsano in la qoro waxa uu ku tilmaamay saraakiisha cusub aan xirfadda laheyn ee la qorayo si ay ugu biiraan kooxaha calooshood u shaqeystayaasha ah.

Wuxuu intaa ku daray in dagaalyahanada cusub aan loogu magac darin Wagner balse la yiraahdo ‘The Hawks’.

2px presentational grey line
2px presentational grey line

Waxay u muuqataa tallaabo la doonayo in indhaha caalamka laga jeediyo sumcadda kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner, “Magacan waa mid wasakheysan” ayuu yiri Brofasoor Candace Rondeaux, oo wax ka dhiga jaamacadda Arizona State University.

Shirkadda Wagner waxay wajaheysaa eedeymo soo noq noqday oo ku aadan tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo dambiyo dagaal ay ka geysteen dalalka Suuriya iyo Liibiya.

Ilo wareedyo ka tirsan Wagner oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in dagaalyahanada cusub ee la qorayo lagu soo tabbabaray saldhig ay shirkadda Wagner ku leedahay magaalada Mol’kino ee koonfurta Ruushka, meel aan sidaa uga fogeyn saldhig ciidamada Ruushka ay ku leeyihiin halkaas.

Sawirro lagu qaaday Satellite-ka waxay muujinayaan saldhigga lagu tabbabaro calooshood u shaqeystayaasha gudaha Ruushka
Qoraalka sawirka,Sawirro lagu qaaday Satellite-ka waxay muujinayaan saldhigga lagu tabbabaro calooshood u shaqeystayaasha gudaha Ruushka

Marka la eego farriimha gaarka ah ee la isku dirayo, waxaa jiray olole ay wadeen dadweynaha Ruushka oo ahaa in la qoro dagaalyahano calooshood u shaqeystayaal ah.

Bog baraha bulshada ah oo laga leeyahay Ruushka oo lagu magacaabo VK isla markaana isku tilmaamay in uu ka faaloodo arrimaha amniga ayaa toddobaadkii ugu horreeyay ee duulaanka Ruushka ku baaqay “in ciidamadii ka tirsanaa dalalkii Midowga Soviet ay soo codsadaan shaqo qorista”. khuburrada militeriga waxay sheegeen in arrintani loogala jeeday inay ku biiraan dagaalka Ukraine.

Waxaa horey looga mamnuucay saraakiisha lagu helay dambiga inay ku biiraan dagaalyahanada calooshood u shaqeystayaasha ah.

Xayeysiinta lagu qorayay calooshood u shaqeystayaasha
Qoraalka sawirka,Xayeysiinta lagu qorayay calooshood u shaqeystayaasha

“Waxaa si weyn baahi loogu qabaa qoridda dagaalyahanno si horumaro looga gaaro dagaalka, waxay u baahan yihiin kumananaan calooshood u shaqeystayaal ah” ayuu yiri Jason Blazakis, oo ah cilmi baare sare oo ka tirsan xarunta Soufan oo fadhigeedu yahay Mareykanka.

Jimcihii wasiirka gaashaandhigga Ruushka, Sergei Shoigu wuxuu sheegay in dagaalyahano gaarayo 16,000 oo kasoo jeeda Bariga Dhexe inay si mutadawacnimo ah ugu biireen ciidamada Ruushka ee ka dagaallamayo Ukraine, madaxweyne Vladimir Putin wuxuu soo saaray amarro u ogolaanayo dagaalyanada Bariga Dhexe inay kusoo biiraan dagaalka.

Waxaana lagu soo warramay in dagaalyahanno gaarayo 400 oo ka tirsan shirkadda Wagner ee qorto calooshood u shaqeystayaasha inay ku sugan yihiin Ukraine.

Kooxda Wagner waxay markii ugu horreysay soo shaac baxeen sanadkii 2014 xilli ay garab siinayeen kooxaha gooni u goosadka ah ee uu taageero Ruushka ee ka dagaallama Bariga Ukraine.

Dagaalyahan ka tirsan Wagner oo maalmihiii ugu horreysay ee dagaalka ku sugnaa caasimadda Ukraine ee Kharkiv ayaa faahfaahin ka bixiyay sida ay xaaladdu aheyd.

“Waxaa nala siiyay $2,100 doolar muddo bil ah oo aan shaqeyneynay, waxaan dib ugu laabtay dalkeygii Ruushka” ayuu u sheegay BBC-da.

Dagaalyahanada Wanger xilli ay ku sugnaayeen dalka Suuriya
Qoraalka sawirka,Dagaalyahanada Wanger xilli ay ku sugnaayeen dalka Suuriya

Blazakis waxa uu ku tilmaamay adeegsiga calooshood u shaqeystayaasha inay tahay “astaamo muujinaya rajo xumo” si loo ilaaliyo taageerada shacabka Ruushka,

Duulaanka Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin uu ku qaaday dalka Ukraine ayaa waxaa ka dhashay dibad baxyo dhowr ah oo ka dhacay dalka Ruushka. Kumanaan ayaa la xiray.

Blazakis waxa uu intaa ku daray in adeegsiga calooshood u shaqeystayaal ay u ogolaato Kremlin-ka in ay “hoos u dhigto tirada dhimashada sababtoo ah calooshood u shaqeystayaasha waxaa loo isticmaalaa ballaarinta dagaalka”.

Xukuumadda Moscow waxay had iyo jeer beenisay inay wax xiriir ah la leedahay kooxaha calooshood u shaqeystayaasha ah.

BBC-da ayaa weydiisay wasaaradda gaashaandhigga Ruushka in saldhigga Mol’kino loo adeegsan jiray qorista ciidamo dheeraad ah oo ay mas’uuliyiinta Ruushku ugu yeeraan “howlgal milateri oo gaar ah oo laga fuliyo gudaha Ukraine”. balse wax jawaab ah kama aanan helin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here