Ruushka oo eryaya diblomaasiyiin u dhashay Yurub ah

eu flag

Dowladda Ruushka ayaa ku dhawaaqay in ay dalkeeda ka ceyrinayso 20 diblomaasiyiin ka socda dalka Jamhuuriyadda Czech.

Jamhuuriyadda Czech ayaa sabtidii ceyrisay 18 diblomaasi oo u dhashay dalka Ruushka.

Laamaha sirdoonka Czech ayaa sheegay in diblomaasiyiintani ay yihiin hawl wadeenno ka tirsan sirdoonka Ruushka. Waxaa looga shakiyay in ay ku lug lahaayeen qarax ka dhacay goob lagu keydiyo hubka sanadkii 2014.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ayaa lagu wadaa in kulan maanta oo Isniin ah dhacayo uga arrinsadaan qaraxani.

Xukuumadda Moscow ayaa diblumaasiyiinta Czech u qabatay hal maalin oo ay tahay in dalkeeda ay uga baxaan halka jamhuuriyadda Czech ay diblomaasiyiinta Ruushka u qabatay 72 saacadood.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa go’aanka jamhuuriyadda Czech ku tilmaamtay “mid aan horay loo arag” isla markaana ah “ficil cadowtinimo”.

Maxaa lagu eedeynayaa diblomaasiyiinta Ruushka?

Mas’uuliyiinta Czech ayaa sheegay in diblomaasiyiinta Ruushka la rumeysan yahay in ay yihiin sirdoon, arrintaasi Ruushku uu ku tilmaamay mid aan sal iyo raad lahayn.

Booliska Czech ayaa shaaciyay magacyada laba nin oo lala xiriirinayo qaraxaasi, kuwaas oo kala ah Alexander Mishkin iyo Anatoly Chepigov. Labadani nin ayaa horey ugu eedeysnaa in ay ku lug lahaayeen sumeyntii Salisbury oo UK ka tirsan loogu geysray sanadkii 2018 nin ka tirsanaan jiray sirdoonka Ruushka oo lagu magacaabo Sergei Skripal iyo gabar uu dhalay.

Sawirrada raggani ee booliska Czech ay shaaciyeen ayaa la mid ah kuwa ay horey u soo bandhigeen booliska dalka UK.

Mas’uuliyiinta UK ayaa waxay sheegeen in raggani ay ka tirsan yihiin sirdoonka milatariga Ruushka ee GRU, ayna sunta Novichok mariyeen albaabka guriga Skripal oo horey uga tirsanaan jiray sirdoonkaasi GRU.

Skripal iyo gabadha uu dhalay ayaa suntaasi la xanuunsaday basle markii dambe waa ay ka bogsadeen.

Dowladda Ruushka oo ka jawaabaysa eedeymahani ayaa sheegay in dastuurkeeda uusan ogoleyn in muwaadiniintooda loo soo gacan geliyo dowlado kale.

Dowladda Mareykanka ayaa horey u sheegtay in ay eryayso 10 qof oo ah diblomaasiyiin ka tirsan safaaradda Ruushka ee Washington DC, arrintaasi oo la sheegay in looga falcelinayo weerar dhanka intarnetka ah oo Ruushku uu ku qaaday laamaha dowladda Mareykanka.

Xukuumadda Moscow ayaa iyana sheegtay in toban diblomaasi oo Mareykan ah ay dalkeeda ka ceyrinayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here