Ruushka oo magaalooyiin cusub oo ku yaalla Ukraine weerar ku qaaday

ciidamada ruushka

Qiimeyn dhanka sirdoon oo cusub ayaa lagu xaqiijiyay in miltariga Ruushka ay weerar ku qaadeen dhowr jiho oo cusub oo ka tirsan Ukraine .

Shirkad dayax-gacmeed oo laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa sheegtay in militariga Ruushka ay geeyeen unugyo cusub meel u dhow caasimadda Kyiv.

Sawiradii ugu dambeeyay ayaa muujinayay ciidamada Ruushka oo madaafiic ku garaacaya xaafado ku yaala duleedka caasimadda.

Dhismayaal dhowr ah ayaa lagu soo waramayaa in ay gubanayaan. Wasaaradda Difaaca ee Britain ayaa sheegtay in Ruushka uu duqeymo dhanka cirka ah ka geystay magaalooyinka Lutsk iyo Ivano-Frankivsk ee galbeedka Ukraine.

Duqeymaha dhanka cirka ah ayaa sidoo kale waxyeelo kasoo gaartay dad rayid ah oo ku sugan bariga magaalada Dnipro, halkaasi oo ugu yaraan hal qof uu ku dhintay.

Ruushka ayaa balaariyay weerarada uu ku hayo Ukraine, isagoo weeraray magaalooyinka Lutsk, Ivano-Frankivsk iyo Dnipro.

Maamulka magaalada Mariupol ee koonfurta Ukraine ee muddada dheer go’doonka ku jirtay ayaa sheegay in in ka badan 1500 oo qof oo rayid ah lagu dilay 12 maalmood oo duqeymo ay geysanyeen ciidamada Ruushka.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa xaaladda magaalada ku tilmaantay mid halis ah; waxa ay ku eedaysay Ruushka in uu hor istaagay isku dayo lagu doonayay in lagu gaarsiiyo gargaar bini’aadantinimo.

Magaalada kale ee istaraatiijiga ah ee koonfurta Mykolaiv, ayaa waxaa duqeynaya ciidamada Ruushka.

Dhanka kale Madaxa hay’adda quwadda atomikada Qaramada Midoobay ayaa beeniyay eedaymaha Ruushka ee ah in Ukraine ay qorsheynaysay inay samaysato hub Niyukleer ah iyaga oo gacan ka helaya Maraykanka.

Izumi Nakamitsu ayaa u sheegay golaha ammaanka inaysan jirin wax caddaynaya in Ukraine ay qorsheynaysay sameysashada hubka wax gumaada.

Dhanka kale wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in haddii uu Ruushku geeyo Ukraine dagaalyahanno u dhashay Suuriya Ukraine ay taasi sii sii kordhin doonto xiisadda iyo gardarada aan geedka loogu soo gaban ee Moscow.

Afhayeen u hadlay Ned Price ayaa sheegay in ay sidoo kale muujin doonto in madaxweyne Putin uu sameeyay xisaab-xumo aasaasi ah oo uu ku doortay dariiqa dagaalka isaga oo ka leexanaya diblomaasiyadda.

Balse madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku celceliyay in dalkiisa uusan si toos ah uusan militari ahaan u faragelin doonin dagaalka ka socda Ukraine.

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa mar sii horeysay fasaxay in dadka mutadawaciinta ah ee ka imaanaya Bariga Dhexe ay ku biiraan ciidamada Ruushka ee ka dagaallamaya Bariga Ukraine.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here