Ruushka oo si rasmi ah uga hadlay inay Saldhig Ciidan ka doonayso gudaha Soomaaliya

amb russia Mikhail Golovanov

Dowladda Ruushka ayaa markii ugu horreysay si cad uga hadashay hadal heynta la xiriirta in ay Saldhig Ciidan ka sameysaneyso dhulka Soomaaliya,iyada oo mudooyinkaan dambe warbaahinta Caalamku hadal haysay,wararka la xariira in Ruushku saldhig Malatari ka raadinayo Biyaha Soomaaliya.

Danjiraha Ruushka ee Soomaaliya iyo Jabuuti Mikhail Golovanov,ayaa xaqiijiyay in dowladdiisu aanay qorsheyneyn in ay saldh Ciidan ka sameysato Soomaaliya.

Danjire Mikhail Golovanov, ayaa sheegay in dowladdiisu ay Ciidamo ka joogaan Biyaha Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya kuwaas oo kor meera weerarrada Burcad Badeeda iyo wixii la mid ah.

Waxaa  kale oo uu sheegay in Dowladda Ruushka aysan wax qorshe ah hadda ka lahayn saldhig Ciidan oo ay ka sameysato Soomaaliya iyo xitaa guud ahaan geeska Afrika.

Safiirka Ruushka ee Soomaaliya Mikhail Golovanov, ayaa xusay in Jabuuti iyo Soomaaliya ay ku yaallaan meel muhiim ah islamarkaana amniga Caalamka ay muhiim u tahay.

Geeska Afrika gaar ahaanna Dalka Jabuuti waxaa ku yaalla Saldhigyo Milatari kuwaas oo ay leeyihiin Waddamada Faransiiska, Mareykanka, Japan, China iyo kuwo kale,

Warbaahinta Caalamka ayaa aad u hadal heysay in Dowladda Ruushka ay Saldhig Ciidan ka raadineyso Xeebaha Badda cas ee Soomaaliya kuna beegan Gobolka Awdal oo sohdin la wadaaga dalka Jabuuti .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here