Ruushka oo u gurmanaya dagaal-ooge Khalifa Haftar oo guuldarrooyin la kulmaya

Khalifa Haftar

Ruushka ayaa calooshood u shaqaysteyaal ka tirsan ciidanka Bashar Al-Assad ee jooga magaaladda Daraa ee koofurta Syria u diraya in ay ka bar-bar dagaalamaan ciidanka dagaal-ooge Jeneral Khaliifa Haftar ee jooga bariga Libya, sida ay ilo wareedyo maxalli ah u sheegeen wakaaladda wararka Anadolu.

Tan iyo 24-kii April, taliye darajadiisu sarreyso oo Ruush ah iyo kooxdiisa ayaa kulamo is xig-xigay la qaatay calooshood u shaqaysteyaal ka barbar dagaalama ciidanka Syria ee jooga Daraa.

Kulamaas waxay Dowladda Ruushku kusoo bandhigtay heshiis soconaya seddax bilood oo askari kasta bishii lagu siinayo 1000 dollar, lana cusbooneysiin karo.

Waxaa lagu warramay sheegay in qaar ka mid ah kooxda calooshood u shaqaysteyaasha ay diideen kuwo kalena ay ogolaadeen heshiiska.

Kuwa aqbalay ayaa ka shaqaynaya in ay magaaladda Daraa kasoo ururiyaan xoogag kale oo calooshooda u shaqysteyaal ah.

Waxaa xoogagaan mushaarka siin doona Ruushka, markii lagu tababaro xeryo militari oo ku yaala Syria ayaana loo diri doonaa Liibiya.

Ciidamada dowladda fadhigeedu yahay Tripoli ee loo yaqaan GNA ayaa maalmihii dhowaa dhulal badan ka qabsaday kooxda Haftar ee la baxay LNA.

Ayada oo Turkey ay ku caawinayaan diyaarado drone ah oo hubeysan, dagaal-yahanno Syrian ah, iyo hub casri ah, ayaa ciidamada dowladda waxay kooxda Haftar ka qabsadeen saddex magaalo oo ku teedsan xuduudda, waxayna kusii siqayaan saldhigga howl-gallada kooxdaas ee Tarhouna, oo 65km koonfur bari kaga aadan magaalada Tripoli.

Guul laga soo hoyo Tarhouna ayaa soo geba-gebeyn karta dagaalka sokeeye ee Libya, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here