Ruushku ma waxa uu isu diyaarinayaa inuu xoog ku galo Ukraine?

vladimir putin

Ciidammada Ruushku ma waxa ay isu diyaarinayaan dagaal ay la galaan kuwa Ukraine? Taasi waa midda ay ka cabsi qabaan hogaamiyayaasha Reer Galbeedka iyo Ukrine laf ahaanteeda.

Todoba sanadood ka hor uun ayey aheyd markii Ruushka uu qabsaday qeyb ka mid ah waddanka Ukraine uuna baritaaray kooxaha goonni-u-goosadka ee colaadda ka bilaabay dhul ballaaran oo ku yaal bariga dalkaasi.

Ruushka ayaa sheegaya in qorshe noocaas ah uusan haatan wadin, haddaba maxaa soconaya.

Xagey ku taal Ukraine?

Ukraine waxa ay xad la wadaagtaa Ruushka iyo Midowga Yurub-ba, hasayeeshee dalkan ka tirsanaan jiray Midowgii Soofiyeet, ayaa xiriir dhaqan iyo shacab oo qotto-dheer waxa uu la leeyahay Ruushka iyadoo luuqadda Ruushka si wayn dalkaasi loogaga hadlo.

Ruushka ayaa muddo dheer hortaagnaa dedaallada Ukraine ay doonaysay inay ugu biirto nidaamka Yurub, qodobada ugu muhiimsan ee dalkeena waa in Ukraine aanay abid ku biirin Nato ama Nato aanay dhulkaasi soo keenin qalabkeeda.

Markii dadka Ukraine ay iska rideen madaxweynihii gacansaarka la lahaa Ruusha sanadkii 2014, Ruushka ayaa gacanka Crimea ka qabsaday Ukraine halka kooxaha uu Ruushku baritaarayo ee goonni-u-goosadka ay la wareegeen dhul ballaan oo ku yaal bariga Ukraine kaas oo loo yaqaan Donbas.

Ma waxaa jirta halis dhab ah oo ah in dalkaas la galo?

Colaadda ka taagan bari Ukraine ayaa socota illaa maantadan. Ukraine waxa ay sheegaysaa in Ruushku uu taangiyo, madaafiic iyo qoryaha wax lagu shiisho uu u soo diray jiidda hore ee deegannada ay fallaagadu haystaan. Hasayeeshee waxa ay ku soo warrantay in ciidammo ka badan 90,000 oo Ruush ah oo ku sugan meel u dhaw xadka Ukraine ay tahay arrinta walaaca ugu badan ku haysa.

Ma muuqato halis haatan taagan amaba in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu go’aansaday in dalkaasi uu xoog ku galo. Afhayeenka Aqalka Kremlin-ka ee dalkaasi loogaga arrimiyo ayaa ku baaqay in “la is dajiyo”. Hasayeeshee sirdoonka reer Galbeedka iyo midka Ukraine-ba ayaa qiyaasaya in suuragal ay tahay in weerrarku uu dhaco horraanta 2022.

“Waqtiga diyaar buuxa oo wax lagu samayn karo la gaaro waxa uu noqonayaa dhammaadka Janaayo,” ayuu yiri wasiirka Gaashaandhigga ee Ukraine Oleksiy Reznikov.

Sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in 175,000 oo askari oo Ruush ah ay suuragal tahay inay ka qeybqaataan howlgalka bilowga Janaayo iyadoo Agaasimaha CIA-da William Burns uu rumaysan yahay in Madaxweyne Putin “uu gaynayo milateriga Ruushka goob ay si degdeg ah wax uga fulin karaan”.

Heerkaas oo kale ayeynu aragnay bishii Abriil ee sanadkan, hasayeeshee waqtigaas Ruushka ayaa halkaas ka sameeyay dhaqdhaqaaqyo ciidan oo u muuqanayay dhoollatus kaddibna dib ayey u laabteen. Ka hor kulan ay laba saacadood qaatay oo dhanka isgaarsiinta ay ku yeeshee Mr Putin iyo madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa shan hogaamiye oo reer Galbeed ah waxa ay Moscow ugu baaqeen “inay xiisadda dajiso”.

Ruushku muxuu leeyahay?

Ruushka ayaa bilowgii hore ku tilmaamay sawirro lagu qaaday dayaxgacmeed oo muujinaya ciidammo uu ku daabulayo Crimea halkaas oo aanan ka fogayn bariga Ukraine kuwo xiisad abuur ah. Hasayeeshee horraantii bishan Diseembar, kaaliye madaxweyne ayaa ku adkaystay in “aan xaq u leennahay in ciidammadayada aynu gayno gudaha dalkayaga”, isagoo diiday in xiisad la abuurayo.

Moscow ayaa dhankeeda Ukraine ku eedaysay in kala bar ciidammadeeda milateriga ay ku soo daabulayso bariga iyadoo Kyiv ku eedaysay inay qorshaynayso inay weerrar ku ekayso dhulka ay gacanta ku hayaan kooxaha goonni-u-goosadka ee uu Ruushku baritaaro. Ukraine waxa ay sheegaysaa in taasi ay tahay uun “borabagaando” la doonayo in lagu qariyo qorshaha Ruushka.

Sheegashada Ruushka ayey suuragal tahay in ay noqoto mid uu ugu duurxulayo tallaabo milateri.

Vladimir Dzhabarov, oo ah ninka labaad ee golaha arrimaha caalamka ee Ruushka ayaa sheegay in horraanta Diseembar nus malyuun qof oo u dhashay Ukraine oo ku sugan deegaannada ay fallaagadu haysato ay haatan haystaan baabasaboorka Ruushka. Haddii hogaamiyayaasha fallaagada ay gacan waydiistaan Ruushkana “dabcan, dhabarka uma jeedin karno muwaadiniintayada”, ayuu yiri.

Ruushku muxuu doonayaa?

Madaxweyne Putin ayaa ka digay in reer Galbeedku aanay ka soo gudbin “khadadka casaanka” ee Ruushka uu dhigtay Ukraine.

Marka maxay yihiin khadadkaasi casaanka ah?

Waxaa ka mid ah in Nato ay joojiso inay isku ballaariso bariga fog, iyo hubka ay gaynayso dalalka dariska la ah Ruushka taas oo dalkaasi halis ku keeni karta. Waxaa jirta cabsi gaar ah oo ku saabsan diyaaraha drones-ka ee ay Ukraine ka soo qaadatay Turkiga ee ay u adeegsato ciidammada uu Ruushku baritaaro ee ku sugan bariga Ukraine iyo dhoollatuska milateri ee ay reer Galbeedku ka sameeyaan Badda Madow.

Eastern Ukraine map

Ruushka ayaa sidoo kale ka careysan in heshiiska nabadda ee Minsk 2015 ee looga gol lahaa joojinta dagaalka Ukraine uu yahay mid aan weli la fulin. Weli ma jiraan tallaabooyin loo qaaday in si madax bannaan loola socdo doorashooyinka gobollada goonni u goosadka ah. Ruushka ayaa beeniya cabashooyinka Ukraine iyo dalalka Galbeedka ee ku aaddan in Ruushku qeyb ka yahay dagaalka aan dhammaadka lahayn.

Sidee ayay Nato u caawineysaa Ukraine?

Isbahaysiga militari ee Nato ay la leedahay dalalka Galbeedka waa mid is difaacid ah, xoghayaheeda guud, Jens Stoltenberg, ayaana caddeeyay in taageero walba oo militari ay la xiriirto is difaacid.

UK ayaa lagu wdaaa inay Ukraine ka caawiso in labo saldhig oo maraakiibta ah laga dhiso Ochakiv oo ku taalla Bada Madow iyo Berdyansk oo ku taalla Badda Azov. Hubka ka hortagga maraakiibta ee Mareykanka ee Javelin loo yaqaanno ayaa sidoo kale loo diray Ukraine iyadoo sidoo kale labo doomood oo ilaalada xeebaha ah uu Mareykanku siiyay ciidamadda badda.

“Waxay u taallaa Ukraine iyo 30-ka isbahaysi inay go’aansadaan xilliga ay Ukraine diyaar u tahay inay ku biirto isbahaysiga,” Mr Stoltenberg ayaa sidaas yir. Ruushka ayaan “lahayn codka diidmada qayaxan, sidoo kalena xaq uma laha inay farogeliyo hannaankaas”.

Ilaa intee ayay dalalka Galbeedku caawinayaan Ukraine?

Mareykanka ayaa caddeeyay inay ka go’an tahay inuu Ukraine ka caawiyo difaacidda “geyigeeda”, balse Madaxweyne Biden ayaa sheegay in haatan aysan qorshaha ugu jirin tallaabo militari.

Sidaas darteed xitaa haddii uu Mareykanku diido inuu aqoonsado “qadadka cas” ee Ruushka haddii Ukraine ay ku biirto Nato amaba ay wax kale dhacaan, ilaa intee ayuu caawin doonaa Kyiv?

Qalabka ugu weyn ee ay adeegsan doonaan dalalka Galbeedka ayaa u muuqda cunaqabateynno. Madaxweyne Biden ayaa sheegay in cawaaqib xumo dhaqaale ay ka dhalan doonto haddii Ruushku uu qaado tallaabo militari iyadoo saraakiisha Mareykankuna ay ka hadlayaan tallaabooyin dhaqaale oo adag iyo taageeridda militariga Ukraine.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here