RW Israel: “Xidhiidh ayaanu la leenahay dalalka Carabta oo dhan marka laga reebo labo dal”

Bin Salman Netanyahu

Raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in uu dalkiisa xidhiidh diblomaasiyadeed la leeyahay dhammaan dalalka Carabta marka laga reebo laba ama seddex dal.

Sida laga soo xigtay Channel-ka Cibraaniga ah ee “i24news”, Ra’iisul wasaaraha Israel oo khudbad ka jeedinayey shir ay isugu yimaadeen hoggaamiyaasha urururada waaweyn ee Yahuuda dalka Mareykanka oo ka dhacay magaalada Qudus ee xoogga lagu heysto ayaa sheegay inuu sii wadayo hormarinta xidhiidhada dalalka Carabta iyo wadamada Islaamka.

Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan idiin sheegi karaa in tirada wadamada Islaamka ama Carabtu oo aynan xidhiidh qoto dheer la lahayn ay yihiin kaliya laba ama saddex.”

Ra’iisul wasaare Netanyahu ayaa soo hadal qaaday booqashadii uu dhawaan ku tagay Suldanada Cumaan iyo kulankii uu la qaatay madaxweynaha Golaha Suudaan Abd al-Fattah Al-Burhan ee ka dhacay dalka Uganda.

Israa’iil ayaa kaliya xidhiidh diblomaasiyeed oo rasmi ah la leh Masar iyo Jordan oo ka tirsan Wadamada Carabta, halka warbixinada warbaahinta reer Galbeed ay ka hadlaan xidhiidh sii kordhaya oo ka dhaxeeyo Tel Aviv iyo wadamada Khaliijka sida Sacuudiga, Imaaraadka, Baxrayn iyo kuwa kale.

Netanyahu ayaa isbadal weyn ku tilmaamay in diyaaradaha Israel ay markii ugu horeysay isticmaalaan hawada dalka Suudaan.

Isaga taas ka hadlayo wuxuu yidhi, “Dalxiisayaasha Israa’iil ee u safrayo Koonfurta Ameerika waxay ku safri karaan dhanka hawadda Suudaan. Waxaan yareeynay safarkooda qiyaastii seddex saacadood. Wixii hadda ka dambeeya uma baahna inay aadaan Spain ka dibna Afrika iyo Koonfurta Ameerika. Haatan waxay toos uga duuli karaan Sudan ilaa Brazil iyo Argentina.”

Netanyahu ayaa tilmamaay inuu kaliya si guud u sheegi karo inuu xiriir dalkiisa la leeyahay wadamada Carabta balse uusan faahfaahin kale ka bixineyn.

Wuxuu is waydiiyey “Inta la ogyahay Intee in le’eg ayuu la egyahay xiriirka dowladeed ee aan la leenahay wadamada carabta?” “Waxay ku dhowdahay 10% oo shaacsan, balse inta kale waa xiriiro qarsoon ee aan la ogeyn.”

Wuxuu intaas ku daray, “Isbeddelo waaweyn ayaa dhacay maxaa yeelay Israel waxay hadda noqotay awood ay tahay in tixgalin lasiiyo, Dowlad kasta waxay ku qasban tahay inay Israel xiriir la sameysato si ay taas gacan uga geysato xasilloonida, mustaqlka dadka iyo sidii loo hubin lahaa mustaqbalka wanaagsan oo ay helaan dalalka, taasina waxay ku jirtaa maskaxda qof walba”.

Mar uu ka hadlayey xiisadda Iran, wuxuu Netanyahu yidhi “khatarta ugu weyn ee amniga waddamada Bariga Dhexe iyo waddamada adduunka waxay tahay isku dayga Iran ee ah inay hesho hubka wax gumaado ee Nukliyeerka.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here