RW Kheyre oo amray lacag deg deg loo siinayo maamul Goboleedyada iyo G/Banaadir

kheyre 2020

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa amar ku bixiyay in dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir si degdeg ah lagu gaarsiiyo lacago ay u adeegsadaan ka hortagga iyo la-tacaalidda cudurka COVID-19.

Go’aankan ayaa lagu gaaray kulankii joogtadaa ah ee ay xalay mareegta internet-ka ku yeesheen Guddiga Qaran ee ka Hortagga COVID-19 oo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu guddoominayey.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa wasaaradda maaliyadda ku amray fudueynta lacag min hal Miyan oo dollar oo si degdeg ah lagu gaarsiiyo maamullada dalka oo maamulka gobolka Banaadir uu ku jiro.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Kheyre ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimmadda ay midnimada iyo isu geynta cududda Soomaaliyeed ay leedahay xilligan adag ee uu dalku marayo, isaga oo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulsahda ugu baaqay in dhan looga soo wada jeesto ciribtirka caabuqan.

Dhinaca kale, Wasiirrada caafimaadka dhammaan dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulanka ka qayb galay ayaa soo bandhigay warbixinno la xariira xaaladda COVID-19 ee deegaannadooda iyo waxyaabaha ay u baahanyihiin.

Dhinacyadii ka qeyb-galay kulankan ayaa waxay soo dhaweeyeen tallaabada uu Ra’iisul Wasaaruhu qaaday, iyaga oo xusay inay wax badan ku soo kordhin doonto dadaallada billowga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here