RW Kheyre oo dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho

kheyre soo degis

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre  iyo wafdi uu hogaaminayay  ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib markii safar qaatay inkabadan bil uu ugu maqnaa deegaano ka tirsan Maamul Goboleedka Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada iyo Xildhibaano ka tirsan labada gole.

Mudadii uu booqashada ku joogay deegaano ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxa uu booqday magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan maamulkaas.

Ujeedada booqashada ra’iisul wasaare Kheyre ee Galmudug ayaa ahayd sidii loo qaban lahaa shir dib u heshiisiin ah iyo doorashada madaxweynaha Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Kheyre waxa uu ku guuleystey in heshiis ay la gaarto dowlada federalka ah iyo ururka Ahlu Sunna, isla markaana ay dowladu la wareegto ciidamadii iyo hubkii ururka Ahlu Sunna, iyadoo boqolaal ka tirsanaa ciidamada Ahlu Sunna ay ku biireen ciidamada dowlada federalka.

Dib ugu soo laabashada Ra’iisul Wasaare Kheyre ee magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegantay xilli maanta la sugayay in la keeno dalka meydka guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here