RW Kheyre oo kulan deg deg ah la yeeshay Laamaha Amniga ee Magaaladda Dhuusamareeb

rw Kheyre

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magaalada ee Caasimadda Galmudug ayaa xalay shir deg deg ah isugu yeeray saraakiisha laamaha ammaanka ee Magaaladaas.

Kulankan ayaa Ra’iisul Wasaaraha waxaa uu saraakiisha Ciidamada wax ka weeydiin doonaa cida ka dambeysay Masuuliyada dagaalka caawa ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb.

Saddex Ruux oo kala ah laba Askari iyo haweeney Shacab ah ayaa ku  dhaawacmay israsaaseyn Caawa Xarunta inji ee Magalada Dhuusamareeb ilaalada hoggaanka Ahlsunna iyo Ciidamo ka tirsan Dowladda.

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa xalay maqribkii gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, halkaas oo uu u tegay dhammeystirka dhismaha maamulka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here