RW Kheyre oo kulan gaar ah la qaatay Amiirka dalka Qatar

Kheyre amiirka qatar

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre oo weli ku sugan magaalada Dooxa ayaa kulan gaar ah kula qaatay Amiirka dalka Qatar, Tamim Bin Hamad Al Than.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa arrimaha looga hadlay ka mid ah xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga laba geesoodka ah ee labada dowladood iyo labada shacab.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa isla soo hadal qaaday horumarka ay dowladda Soomaaliyeed ku tallaabsatay seddexdii sano ee la soo dhaafay iyo sida guulaha laga gaaray isbedelladii la sameeyay ay dalka ugu soo jeedinayaan indhaha maal gashadayaasha caalamka oo Soomaaliya u arka dal ay ka jirto fursad wanaagsan oo ka dhalatay isbedelka guud.

Qatar ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana dowladda Qatar ay Soomaaliya ka fulisaa mashaariic horumarineed oo looga qayb qaadanayo dib u soo kabashada dalka.

Kulankan uu Ra’iisul wasaare Kheyre la qaatay Tamim Bin Hamad Al Than ayaa ku soo aadaya, xilli uu dhowaan dalka Faransiiska uga soo qeyb galay shirka Nabadda Paris oo looga hadlay caqabadaha guud ee ka jira daafaha caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here