RW Kheyre oo kulan xasaasi ah la qaatay taliyeyaasha ciidamada iyo go’aano ka soo baxay

kheyre iyo taliyeyaasha3

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Cali Khayre ayaa guddoomiyey shir uu isugu yeeyay taliyeyaasha kala duwan ee ciidamada, kaas oo looga hadlay dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Kulanka oo ka dhacay xarunta taliska Booliiska Soomaaliyeed ee Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale ka qeybo galay wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka.

Ilo ku dhow shirka ayaa innoo sheegay in inta badan diirada la saaray sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada ay heysato, loogana hortagi lahaa weerarada ay fuliso.

Sidoo kale ra’iisul wasaare Khayre oo madasha ka hadlay ayaa faray dhammaan wasiirada iyo taliyeyaasha ciidamada kulanka ka qayb galay inay dar-dar geliyaan dadaallada lagu diyaarinayo howlgallada cusub ee ka dhanka ah Xarakada Al-Shabaab.

Gabagabada shirkan oo looga hadlayey amniga, gaar ahaan howlgallada ciidamada ayaa laga soo saaray go’aano ku aadan dagaalka Al-Shabaab, iyada oo la’isla gartay in sida ugu dhaqsaha badan lagu dhameystiro qorshaha Al-Shabaab looga saaro dalka.

Taliyeyaasha ciidamada ayaa dhankooda ballan qaaday fulinta amarada iyo go’aanada ka soo baxa golaha wasiirada, iyaga oo intaasi ku daray inay ka go’an tahay in la dardar geliyo howlgallada ka socda gobollada dalka.

Al-Shabaab ayaa weli ku xoogan qeybo ka mid ah dalka, waxaana weeraro qorsheysan iyo qaraxyo ay ka fulisaa meelo badan oo ay ugu horeyso magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here