RW Kheyre oo la kulmay kaaliyaha xoghayaha Arrimaha Dibbada Maraykanka Tibor Nagy

kheyre iyo tibor nagy

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa waxaa uu kulan gaar ah halkaasi kula qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Afrika Tibor Nagy.

Kulanka ayaa waxaa ay uga hadleen horumarka laga sameeyay arrimaha deyn cafinta dib u habeynta Amniga iyo qodobo kale, sida uu sheegay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Afrika Tibor Nagy.

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibada Maraykanka Tibor Nagy ayaa bartiisa Twitterka waxa uu ku soo daabacay inay qodobada ra’iisul wasaare Kheyre ka wadahadleen ay ka mid ahaayeen sidii loo horumarin lahaa federalka iyo sidii dalka Soomaaliya loogu diyaarin lahaa doorashooyinka sanadka soo socda.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo booqasho ku jooga dalka Maraykanka gaar ahaan magaalada Washington ayaa lagu wadaa in uu kulamo la yeesho madax kale oo ka tirsan dowlada Maraykanka.

Xasan Cali Kheyre ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ujeedada booqashada dalka Maraykanka waxa uu yahay ka qeybgalka shirka sannadlaha ah ee Bangiga adduunka iyo hey’adda lacagta adduunka (IMF).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here