RW Kheyre oo la kulmay Madaxweyne kuxigeenka Bangiga Adduunka oo booqasho ku yimid Muqdisho

kheyre bangiga adduunka muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweyne kuxigeenka bangiga adduunka Dr. Xafez Ghanem oo dalka soo gaaray maanta, xarigana ka jaray xafiiska cusub ee Bangiga adduunka oo Muqdisho laga furay.

Kulanka oo ay ka qayb gashay agaasime gobaleedka IFC ee Afrika, Ms Jumoke Jagun-Dokonmu ayaa looga hadlay dar-dar gelinta qorshaha deyn cafinta dalka, barta go’aanka ee Febraayo 2020 iyo shaqo abuurka dhallinyarada.

Dr. Xafez Ghanem ayaa kulanka ka caddeeyay inuu ku farxsanyahay in booqashadiisa ay ka tarjumeyso sida bangiga aduunka ay uga go’antahay taageerada Soomaaliya, shaqada wanaagsan ee dowladdu qabatay iyo hagaajinta lagu sameeyay hay’adaha dhaqaalaha dalka, waxuuna madaxda dowladda uga mahad celiyay hoggaanka wanaagsan.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Bangiga adduunka uga mahad celiyay taageerada ay siiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isagoo caddeeyay in ay Xukuumaddu sii wadi doonto dadaallada loogu jiro gaarista barta go’aanka ee Febraayo.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa muddooyinkii u dambeeyay dadaal xooggan ugu jiray ka mira dhalinta qorshaha deyn cafinta, waxaana dhowaan shirar ku saabsan arrimaha deyn cafinta uga qeyb galay magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here