RW Kheyre oo maanta ugu baxay dalka Qatar

kheyre dhoof2

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo sanadkii sedaxaad uu uga qayb gelayo madasha Dooxa

Madasha Dooxa oo ay ka qeyb gelayaan madax ka socota qaar kamid ah dowladaha caalamka iyo hey’ado caalami ah, sanadkaanna looga hadlayo ajandayaal ay kamid yihiin amniga, teknoolojiyadda, dhaqanka iyo ganacsiga ayaa soconeysa Deseembar 14-15, 2019.

Waa markii saddexaad ee Kheyre uu ka qeyb-galayo Madasha Dooxa. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa madasha Dooxa ka qayb galay sanadihii 2018 iyo 2017

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, wasiirka arrimaha dastuurka iyo mas’uuliyiin kale ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliya safarka uu ugu baxay dalka Qatar.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa inta uu joogo Dooxa waxa uu kulamo doceedyo la yeelanayaa madaxda Qatar iyo qaar kamid ah madaxda kale ee ka qayb geleysa madasha Dooxa.

Wxaana sidoo kale xog ku helnay inuu kulamo kale oo gooni ah la qaadan doono mas’uuliyiinta Qatar, oo uu kala hadli doono arrimaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here