RW Kheyre: “Waa la soo dhaafay waqtigii kuwa aan dalka u dhalan Maamuli jireen”

rw Kheyre

Ra’iisul Wasaaraha Xukuuadda Soomaaliyaa Xasan Cali Kheyre ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ka daahfuray Barnaamij lagu maalgalinayo in kabadan 340 dhalinyaro Soomaliyeed ah .

Khyere  waxa uu sheegay in Maanta uu daah furay wajiga koobaad ee barnaamijkaan lagu maalgalinaayo dhaliyaro tiradooda ay gaareyso 346 kuwaas oo uu tilmaaay in laga kala keenay gobalada dalka .

Waxa uu sheegay in barnaamishkaan maagalinta ah ay iska kaashanayaan dowladda Soomaaliya ,bangiyada Soomaaliyeed ee gaarka loo leeyahay iyo dowlada marekanka oo saaxiib la ah Soomaaliya.

Ugu dambeyn waxa uu Kheyre sheegay in xilligaan laga gudbay waqtigii dad aan dalkan u dhalan ay maamuli jireen,taas oo uu ula jeeday Wakiilada ka socda dowladaha taageera Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here