RW Rooble oo Garoowe si weyn loogu soo dhoweeyey

rooble garoowe

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo gaaray magaalada Garowe ee xarunta Puntland.

Ra’iisul wadaare Rooble waxaa garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe ku soo dhaweeyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ku xigeenkiisa Axmed Karaash, mas’uuliyiin ka tirsan federaalka, goleyaasha dowladda Puntland, saraakiisha ciidamada, maamulka gobolka iyo kan degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Garowe.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Garowe u yimid sidii dowladda federaalka iyo Puntland uga wadahadli lahaayeen fulinta heshiiskii doorashooyinka, wuxuuna sidoo kale tigi doonaa magaalada Gaalkacyo oo uga sii gudbi doono Galmudug.

Puntland iyo Jubbaland ayaa weli soo magacaabin guddiyadii doorashooyin ee heer dowlad goboleed, iyagoo sheegay in ay tabasho ka qabaan qaabka dowladdu u maamulayso doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here