RW Rooble: Waa Nasiib-daro in Ciidanka Qaranka Hub loo adeegsado

rw Rooble2

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay rabshadihii saacadihii ugu dambeeyey magaalada Muqdisho ka dhacay kadib markii ay maleeshiyaad hubaysan oo ay wateen kooxda sheegata Musharaxiinta Mucaaradka ay weerareen ciidamada dowladda.

Rooble ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay rabshadihii xalay iyo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Rooble ayaa sheegay “inay nasiib darro tahay in xilligan la yiraahdo dalka dowladi kama jirto, weerarna lagu qaado saldhigiyada ciidanka qaranka ee difaaca dalka u soo dhintay,” sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu shacabka ugu baaqay inaysan aqbalin in dagaal laga rido magaaladooda oo la burburiyo hantidooda, guryahooda iyo nabaddii ay u soo dhibtoodeen, sida uu yiri.

“Soddon sanno ayey nagu qaadatay meesha aan maanta taaganahay in aan soo gaarno, haka yeelin, aniga ha iga yeelin, cid kalena ha ka yeelina, anigana diyaar uma ihi, soo dhawaada oo ciidamada amnigiina la shaqeeya,” ayuu yiri Rooble.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa tilmaamay in uu dadaal aad u weyn ku bixiyay sidii looga baaqsan lahaa dhibkii dhacay balse laga dhaga adeygay, sida uu yiri.

Rooble ayaa sheegay in uu diyaar u yahay inuu la fariisto Midowga Musharaxiinta oo iyagu banaanbaxa maanta ku dalbanayay in dalka ka dhacdo doorasho wada-ogol ah, wuxuuna balan-qaaday in tabashada ay qabaan mas’uuliyiinta mucaaridka uu xalin doono.

“Siyaasiyiinta walaalahay ah ee Muqdisho jooga diyaar ayaa idiin ahay, waxaan diyaar idinkula ahay in aan idinla fariisto geed dheer iyo mid gaabanba oo aan waxa aad tabaneysaan aan xaliyo, Soo dhawaada, xasiloonida hala muujiyo,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntiina waxa uu mar kale ku celiyay in doorashadii lagu ballamay ay dhaceyso, guulana laga gaaray  sidii ay u qabsoomi lahayd, isagoo muujiyay sida uu diyaar ugu yahay in uu la fariisto oo qanciyo cid kasta oo tabasho qabta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here