RW UK oo aqbalay baaritaan lagu sameeyo habka loo maareeyey Coronavirus

boris johnson

Ra’isalwasaaraha Britain Boris Johnson ayaa markii ugu horreysay sheegay in ay ka go’an tahay in baaritaan madaxbannaan lagu sameeyo masiibada fayraska corona oo dalkani ay kaga dhinteen in ka badan 44 kun oo qof.

Hadalkan ayuu Ra’isalwasaaruhu ka sheegay kulan ka dhacay aqalka Baarlamanka oo su’aalo lagu waydiinayey, waxaana uu sheegay in dhab ahaan ay jiri doonto baaritaan arintan ku aadan mustaqbalka, inkasoo horey geeska uu u galiyey baaqyo kala duwan oo ku aadan in baaritaan lagu sameeyo aafada cudurka ee dalka UK.

In ka badan 150 kun oo qof ayaa saxiixay dalab dhanka Online-ka oo ay soo qabanqaabiyeen ehelada dadkii UK ugu geeriyoodey Cudurka Covid19, kuwaasi oo dalbanayey in baaritaan kuwaasi oo dalbanayey in si deg deg ah baaritaan loogu sameeyo habka dawladu ay u maareeysay cudurka, ka hor safmar kale oo dalka ka dilaaca.

Ra’isalwasaaraha ayaa sheegay in aysan aheyn xilligan waqti saacaddo muhiim ah lagu bixiyo baaritaan, balse uu ku adkeysanayo in mustaqbalka la sameeyo baaritaan.

Ed Davey oo mudane ka tirsan Baarlamanka UK oo ka hadlayey xarunta baarlamanka ee Westminster ayaa farta ku fiiqay in UK ay soo martay mid ka mid ah masiibooyinkii dhimashada ugu badan ee ku keenay dunida iyo Yurub, taas oo la soo darista shaqaalaha caafimaadka iyo hawlwadeennada daryeelka bulshada.

.

Xafiiska Downing Street ee Ra’isalwasaaraha ayaa mar la waydiiyey inay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyaan nooca baaritaanka, in uu noqon doono mid xaakim uu hoggaamiyo iyo goorta uu bilaaban doono, wuxuu sheegay in macluumaadkaasi dhawaan la soo gudbin doono.

Warka ka soo yeeray ra’isalwasaare Boris Johnson ayaa ku soo aadayaa iyadoo ururka ay leeyihiin dadka ehelkeedu ku dhinteen cudurka Covid19 ee ay cadaalada ugu raadinayaan ay sheegeen in Ra’isalwasaaruhu ka diiday codsi ay ku doonayeen inay kula kulmaan.

Waxaa sidoo kale arinka baaritaanka uu bidhaamiyey Ra’isalwasaare Johnson ay ku soo aadaysaa iyadoo todobaadkan uu soo baxday warbixin cusub oo ay soo saareen koox saynisyahanno kuwaasi oo ka digay in mar kale dalkani UK uu ka dilaaco fayraska corona xiliga qaboobaha kaasi oo sheegeen in uu dili karo 120 kun oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here