RW XIGEENKA SOMALIA: SHACABKA WAQOOYI KA MIDAYSNEYN GOOSASHADA SOMALILAND

RWKX Mahdi Maxamed Guuleed2

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in dadka ka soo jeeda gobollada Waqooyi ee Soomaaliya aysan ka midaysneyn go’itaanka Somaliland.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in gebi ahaanba aysan jirin aragti goosasho oo ay ku midaysan yihiin bulshada shacabka ku nool gobollada Waqooyi ee dalka Soomaaliya (Somaliland) balse go’itaanka ay ku kala qayBsan yihiin bulshada halkaasi deggan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Dunidu ay Soomaaliya u aqoonsantahay hal dal iyo hal dowlad oo aysan jirin dowlad ka madax-bannaan Soomaaliya oo la yiraahdo Somaliland “Dunida Hal dal ayay aqoonsan tahay oo aan baasaboorkiisa ku safarno, shahaadooyinkiisa la tastiiqiyo” ayuu yiri Khadar

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed waxaa kale oo uu sheegay in loo baahanyahay wada-hadal in la furo si loo qanciyo tabashooyinka ay qabto Somaliland” haddii la wada jirayo waa in sifo iyo sharci dastuuri ah ku dhisan oo loo wada hadlo, qofka aragtidaas qaba u ogolaado qofka aragtida ka soo horjeeda qabo, 30 sano ayaa mareynaa, maxaa xal ah waa in la furaa doodo” ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here