Saameynta Soomaalida ee is-bedelka lagu sameeyey sharciga deganaanshaha Turkiga

passport somalia

Safiirka Soomaailya ee dalka Turkiga oo la hadlayey warbaahinta dowladda ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin go’aankii dhawaan ay soo saartay dowladda Turkiga oo la xiriira sharciga deganaanshaha dalkaas.

Go’aankaas ayaa dowladda Turkiga ay ku sheegtay inaan ikhaamada la sii doonin dadka dalxiiska ku gala dalkaas Turkiga.

Danjire Cabdullaahi Jaamac Maxamed (Ceydiid) ayaa sheegay in uu maanta la kulmay madaxa hey’adda Socdaalka Turkiga, isla markaana uu u cadeeyey in dadka Soomaaliyeed uusan saameyn doonin go’aan dowladda Turkiga ay ka soo saartay arinkaas.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga ayaa sheegay in madaxa hey’adda socdaalka Turkiga uu kala hadlay sidii Visa-ha loogu fududeyn lahaa wakhtigana loogu kordhin lahaa dadka caafimaadka u yimaada dalkaas.

“Sannadkaan 2019 in ka badan 11 kun oo Soomaali ah ayaa dalbatay dal ku galka Turkiga (Visa), waxaana la siiyey in ka badan 7 kun oo Soomaalida wata Baasaboorka Soomaaliga” ayuu yiri Ambassador Ceydiid.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dhowr dal uu uu xiriir gaar ah kala dhexeeyo dalka Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here