Saciid Deni “Niman Xamar jooga ayaa dadka Boosaaso jooga Farriin u soo diraya”

madaxweyne siciid deni3

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa sheegay in shaqsiyaad ku sugan Muqdisho ay dadka ku sugan Boosaaso u soo diraya farriimo, kuwaasoo doonaya in khal khal siyaasadeed iyo mid amni ka abuuraan Gobolka Bari.

Isagoo shalay ka hadlayay Kulan qado ah oo uu deegaanka Biyo Kulule ugu sameeyay wafdi uu hoggaaminayay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo maalin ka hor gaaray Boosaaso ayuu ku eedeeyay in xubno ka tirsan dowladda oo ku sugan Xamar inay farriimo u soo dirayaan odayaasha dhaqanka, si maamulkiisa looga soo horjeesto.

Inkastoo aany carabaabin shaqsiyaadka, hadana waxaa uu tilmaam ka bixinaya in xubno ka tirsan dowladda Federaalka ay ku howlan tihiin isku hor-keenida Maamulka Puntland iyo shacabkeeda.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay inay cafis u fidiyeen oo xabsiga laga sii daayay Odayaal iyo siyaasiyiin xirnaa, waxaana uu ugu baaqay Odayaasha inay meel iska dhigaan waxa aan dantooda aheyn oo ay kala shaqeeyaan Amniga iyo xasilloonida.

Magaalada Boosaaso ayaa waxaa horay uga dhacay kulamo looga soo horjeeday Heshiis ay Maamulka Puntland la galeen Shirkadda DP World, iyadoo odayaasha dhaqanka gobolka Bari ay si weyn uga hor-yimaadeen heshiiskaas, iyagoo dalbaday in dowladda ka laabatu heshiiskaas, inkastoo markii dambe Ciidamada ammaanka ay xabsi u taxaabeen odayaashaas, waxaa la soo taagay Maxkamad, iyagoo lagu soo oogay kicin bulsho, balse Madaxweynaha Puntland ayaa markii dambe cafis u fidiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here