Sacuudiga oo la wareegay hoggaanka taliska ciidamada la dagaalanka burcadbadeeda Soomaalida

Xeebaha Dalka burcadbadeed

Boqortooyada Sacuudiga ayaa markii ugu horreysay la wareegtay hoggaanka taliska ciidamada la dagaalanka kooxaha burcadbadeeda Soomaalida, kuwaaas oo ka howl-gala dhammaan xeebaha dalka iyo meelaha ku dhow.

Sacuudiga ayaa hoggaanka howl-galkan oo magaciisa loo soo gaabiyo CTF-150 kala wareegay wadanka Faransiiska.

CTF-150 ayaa sameeya dabagal, kormeer iyo howl-gallo caadi ah oo looga hortagayo kooxaha burcadbadeeda, waxa loogu yeero argagixisada iyo badqabka maraakiibta.

Sidoo kale wuxuu howl-galkan uu heystaa maraakiib dagaal oo gaareysa illaa 15 markab oo dhammaan ku sugan biyaha Soomaaliya.

Ciidamada ka qeyb-qaata howl-galkan ayaa sidoo kale ah kuwa isku dhaf ah oo ka kala socda dhowr dalal, waxana hoggaankooda is-bedal lagu sameeyaa lixdii bilood hal mar

Waxa kale oo ka mid ah meelaha ay sida aadka ah uga howl-galaan ciidamadaasi iyo maraabkiibtooda Badda Cas, Gacanka Cadan, Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cumaan.

Howl-galka la dagaalanka burcadbadeeda ee loo yaqaano CTF-150 ayaa xeebaha Soomaaliya ka howl-galaya muddo 12 sano oo ka soo bilaabaneysa illaa 2008-dii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here