Sacuudiga oo oggolaanaya in ajaaniibta ay noqdaan muwaadiniin

mohamed bin salmaan

Sacuudiga ayaa dhalasho siiyay dad badan oo ajaaniib ah, kuwaas oo lagu tilmaamay in ay yihiin dad howlkar ah, sida lagu qoray Wakaaladda Wararka ee Dowladda.

Tallaabada waxaa loo arkaa in ay isbedel wayn ku tahay shuruucda boqortooyada ee ku wajahan ajaaniibta ka shaqeysta dalkaas.

Sacuudi Carabiya – si la mid ah dalalka kale ee Gacanka – wuxuu ku tiirsan yahay shaqaalaha ajaaniibta ah, illaa 50-kii sano ee la soo dhaafay.

Waxay ka shaqeeyaan qeybaha kala duwan ee ganacsiyada, balse kuwa yar oo ka mid ah ayaa helo degganaansho-joogto ah ama dhalasho.

Hadda, tiro dad ah oo aan la cayimin ayaa la siiyay dhalashada, sida lagu qoray warbaahinta dalkaas, waxaana lagu xushay howlkarnimadooda iyo xirfaddooda.

Barnaamijkan waxaa loo oggol yahay dadka leh “xirfadaha aadka u wanaagsan” ee loo baahan yahay, waxaana sidoo kale la xiriira dalalka ay dadka ka soo kala jeedaan, sida ay warbaahinta dowladda qortay.

Boqortooyada ayaa u muuqata in ay diiradda saareyso sidii ay ajaaniibta ugu soo jiidan lahayd qeybaha kala duwan ee shaqo sida Shareecada, Seyniska, Caafimaadka, Dhaqanka, ciyaaraha iyo Teknolojiyadda.

“Ujeedada waxay tahay in la xoojiyo heerka uu ku socdo hormarka, iyo sare u qaadidda soo jiidashada maalgashadeyaasha iyo shaqaalaha”, ayey qortay Wakaaladda Wararka ee Sacuudiga.

Dalkan ayaa noqonaya midka labaad ee gacanka Carabta ee qaada tallaabo lagu soo dhoweysanayo dadka khibradaha kala duwan leh. Waxaa arrintan horey u sameeyay dalka Imaaraatka carabta, oo ajaaniib badan dhalasho siiyay bishii January ee sannadkan.

Waxay sidoo kale arrintan muujineysaa sida uu Sacuudiga uga falcelinayo tartanka adage e kala dhexeeya dalalka deriska la ah ee Gacanka ee dhanka ganacsiga iyo xirfadaha.

Amiirka Dhaxal Sugaha ah, Maxamed Bin Salmaan ayaa isku deyaya inuu ballaariyo qeybaha kal ee ganacsiga ee ka baxsan kuwa shidaalka, sida dalxiiska iyo wax soo saarka kale.

In kastoo dowladda Sacuudiga ay soo dhoweysaneyso ajaaniibta shaqa doonka ah, haddana waxaa jiro shaqooyiin badan oo la ogol yahay in ay qabtaan shacabka Sacuudiga oo keli ah, gaar ahaan dadka dakhligooda uu hooseeyo.

Sidoo kale waxaa shaqooyiinka qaar qabta dadka saboolka ah ee ka yimid dalalka kale ee carabta, Aasiya iyo qaar ka mid ah dalalka Afrika.

Sacuudiga ayaa ku dadaala in heerka shaqo la’aanta ee muwaadiniintiisa uu ka yareeyo boqolkiiba 11, taas oo keeneysa in shaqooyiinka qaar loo gaaryeelo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here