Sacuudiga oo war rasmi ah kasoo saaray kulanka Netanyahu iyo Bin Salmaan

Bin Salman Netanyahu

Boqortooyada Sacuudiga ayaa markii u horeysay ka hadashay kulan qarsoodi ah oo ay baahisay warbaahinta Israel, kaasi oo sheegayay in kulan hoose uu dhex-maray ra’iisal wasaaraha Israel, Netanyahu iyo dhaxal-suhgaha Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan.

Wasiirka arrimaha dibedda Sacuudiga, Amiir Faisal bin Farhan ayaa gebi ahaanba beeniyay inuu jiro kulan qarsoodi ah oo maalintii Axadii magaalada Riyadh ku dhex-maray Netanyahu iyo Maxamed Bin-Salaam.

Waxa uu sheegay in uu jiray oo keliya kulan dhex-maray saraakiil Mareykan ah oo uu hogaaminayey xoghayaha arrimaha dibedda dalkaasi, Mike Pompeao iyo kuwo Sacuudiyaan ah.

“Waxaan arkay wararka warbaahinta ee ku saabsan kulan la sheegay inuu dhex-maray dhaxal-suge Maxamed Bin Salman iyo saraakiil Israa’iiliyiin ah intii lagu guda jiray booqashadii uu Pompeo. Wax kulan noocaas ah ma dhicin. Saraakiisha rasmiga ah ee joogtay waxay ahaayeen Mareykan iyo Sacuudiyaan” ayuu yiri Amiir Faisal qoraal ku baahiyey bartiisa twitter-ka.

Sida ay shalay baahisay warbaahinta Israel, ra’iisal wasaare Benjamin Netanyahu ayaa safar qarsoodi ah ku tagay dalka Sacuudi Carabiya, halkaasi oo uu kulan qarsoodiya kula qaatay dhaxal-sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salman.

Kulanka ay beenisay Riyadh ayey warbaahinta Israel ku sheegtay inuu ahaa mid looga hadlay xiriirka labada dhinac iyo sidii uu Sacuudigu dib u eegis ugu sameyn lahaa xiriirka Israel, xili ay dalalka carabtu ay heshiis nabadeed la galeen Israel oo ay kala dhaxeysay xiisada Falastiin, midaasi oo uu gadaal ka riixayay Donald Trump.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here