Sacuudiga: Soomaaligii ugu horreeyey oo cudurka Coronavirus ugu geeriyooday

Coronavirus2

Wararka ka imaanaya Sacuudiga ayaa sheegaya in qofkii ugu horreeyey oo Soomaali ah uu cudurka Coronavirus ugu geeriyooday dalkaasi.

Amran Xuseen oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Sacuudi Carabiya ayaa warbaahinta u xaqiijisay in qofkaasi saacadihii la soo dhaafay uu cudurka ugu dhintay gudaha magaalada Jidah.

Tirada dhimashada Corona ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa haatan kor dhaaftay in ka badan 50 ruux, sida ay shaacisay wasaaradda caafimaadka dalkaasi.

Sidoo kale wasaaradda ayaa tirada guud dadka uu soo ritay ku sheegtay 40,33 qof, halka 720 ruuxna ay sheegtay inay ka caafimaadeen xanuunka.

Dowladda ayaa sidoo kale xirtay wadooyinka waa weyn, goobaha lagu cibaadeysto oo xaramka ugu horreeyo,  si loo yareeyo faafida cudurka Coronavirus.

Caalamka oo dhan ayaa dagaal kula jira xakameyna cudurkaan oo markiisii hore ka soo bilowday dalka Shiinaha, kuna sii baahay wadamo badan oo ku yaal adduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here