Saddex nin oo 36 sano u xirnaa dembi aysan gelin

3nin xaqdaro uxirnaa 36sano

Maxkamad ku taala dalka Mareykanka ayaa amartay in lasii daayo saddex nin oo ku nool gobolka Maryland, kadib markii ay meesha ka saartay dembigii loo heystay.

Raggan oo kiiskooda dib u eegis lagu sameeyay ayaa markii hore loo heystay in magaalada Baltimore ay ku dileen nin dhalinyara ah, waxaana ay xabsiga ku jireen 36-kii sano ee lasoo dhaafay.

Alfred Chestnut, Ransom Watkins iyo Andrew Stewart ayaa xabsiga laga sii daayay saacado kadib markii uu garsooraha maxkamadda ku dhawaaqay go’aanka, sheegayna in dembigii raggaas loo heystay uusan waxba ka jirin.

Saddexdan nin ayaa la xiray sanadkii 1984, xiligaas oo da’doodu ay ahayd 16 sano, haatanna da’doodu ay gaareyso 52 sano.

Garsooraha maxkamadda oo ka hadlay siideynta raggan ayaa yiri: “Anigoo ku hadlaya magaca hannaanka cadaaladda, waxaan idin sheegayaa in go’aankan uusan idin qalmin maadaama aad xabsi dheer soo marten, waxaana idin ka raaligelinayaa wixii idin ku dhacay”.

Chestnut, Watkins iyo Stewart ayaa la xiray sanadkii 1983, waxaana lagu eedeeyay in ay dileen nin lgau magaacabi jiray DeWitt Duckett. Ninkan dhintay ayaa la sheegay in la doonayay in laga qaato jaakad nooca ciyaaraha oo uu watay, waxaana xabad lagaga dhuftay qoorta xilli uu kusii jeeday iskoolkii uu dhiganayay.

Kiiskan raggan ayaa horaantii sanadkan waxaa markale dib u furay xeer ilaaliyaha magaalada Baltimore, Marilyn Mosby, kadib markii Chestnut oo kamid ah raggii xirnaa ee hadda lasii daayay uu warqad u qoray qeybta qaabilsan kiisaska dadka xukunka uu ku dhaco.

Wargeyska The Washington ee ka soo baxa dalka Mareykanka ayaa kusoo warramay in ninkan uu soo bandhigay cadeymo uu helay sanadkii lasoo dhaafay, kuwaas oo cadeynaya in isaga iyo ragga kale ee la xiran aysan wax dembi ah gelin.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa sheegay in warbixinta laamaha ammaanka oo kaashanaya dhowr marqaati ay muujineyso in nin kale uu dembiga geystay.

Ninka lagu eedeeyay in uu dilka geystay ayaa marka uu dilka dhacayay la sheegay in uu ka baxsaday goobta, waxaana marqaatiyaasha ay cadeeyeen in saddexda nin aysan ku lug lahayn dilka ninka dhintay.

AFP
Alfred oo hab siinaya hooyadii kadib markii la soo daayay

Hasayeeshee booliska ayaa waxay xiligaas diiradda saareen baaritaan saddexdan nin oo looga shakiyay in ay dilka geysteen. Ninka dilka geystay ayaa la sheegay in uu dhintay sanadkii 2002.

Sarkaal katirsan xafiiska xeer ilaalinta ee gobolka Maryland ayaa maxkamadda u sheegay in booliiska aysan xiligaas arkin wax cadeyn ah oo shaki gelin kara tuhunka laga qabay raggan saddexda ah.

Marar badan ayay caalamka ka dhacday in dad lagu xukumay dembi aysan gelin dib laga ogaaday xaqiiqda, kuwaas oo marka dambe la siiyo lacago magdhaw ah iyo raaligelin buuxda, waxaase aan la ogeyn waxa Dowladda Mareykanka ay ka yeeli doonta raggan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here