Safaarada Mareykanka oo qaswadeyaal ku sheegtay Madaxda diiday shirka Dhuusmareeb 3

US embassay

Dowladda Mareykanka ayaa diginin u dirtay dhinacyada ka maqan shirka Dhuusmareeb 3, oo ka socda xarunta maamulka Galmudug, kaasi oo la doonayo in heshiis looga gaaro doorashooyinka Soomaaliya.

Safaaradda Mareykanka ayaa qoraal kooban oo ay soo dhigtay barteeda twitter-ka ku sheegtay inaysan waxba u qaban karin kuwa ka maqan wada-hadalka, oo macnaheedu yahay inay lumiyeen awooddii ay uga qeyb qaadan lahaayeen go’aanada lagu gaarayo Dhuusmareeb.

Safaaradda ayaa sidoo kale ereyga qas-wadayaal u adeegsatay dhinacyada ka maqan shirka.

“Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxay ka shaqeysay in dhammaan aragtiyada lasoo saaro miiska shirka Dhuusarameeb 3, balse waxba uma qaban karto kuwa maqan. Qas-wadayaasha diidan ka qeyb-galka waxay damacyadooda shaqsiyadeed ka horumarinayaan dimqoraadiyadda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Dhinacyada waxay u baahan yihiin inay ku dhaqaaqaan inay isku raacaan hab [doorasho] oo waqtigeeda ku dhacda.”

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa ku gacan seeray ka-qeyb galka shirkaas, waxaana lagu guul-darreystay dadaallo ay wadday beesha caalamka oo loogu qancinayey inay tagaan miiska wada-hadalka, sida uu sheegay ergeyga QM ee Soomaaliya James Swan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here