Safaaradda Mareykanka oo soo saartay digniin la xiriirta banaan-baxa Muqdisho

US embassay

Dowladda Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda uga digtay inay maalinta Jimcaha ka ag dhowaadaan Daljirka Daahsoon, oo ah halka la filayo inuu ka dhaco dibad-baxa ay qorsheeyeen musharaxiinta mucaaradka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ayaa lagu yiri “Marka la eego halista dambiyada rabshadaha wata iyo kacdoonka shacabka, muwaadiniinta Mareykanka waa inay ka dheeraadaan dibad-baxyadan iyo dhaq-dhaqaaq kasta oo dibad-baxa la xiriira.”

Safaaradda ayaa muwaadiniinteeda u jeedisay talooyin ay ka mid yihiin inay ka fogaadaan goobtaas, la socdaan wararka warbaahinta gudaha, ka dheeraadaan meelaha dadka badan oo aysan is-muujin, ayna gacanta ku haystaan baasabooradooda si ay u u tusi karaan haddii loo baahdo.

Digniinta Mareykanka ayaa imaneysa ayada oo cabsi xooggan ay ka jirto in banaan-baxa mucaaradka uu isku rogo rabshado xilli dowladda Soomaaliya ay isku dayeyso inay ka hortagto, kana hor-istaagto shacabka inay muujiyaan aragtidooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here