Safiir isaga oo buug xadaya lagu qabtay

maktabad el ateneo grand splendid

Danjirihii Mexico u fadhiyey dalka Argentina ayaa is casilay ka dib markii ay soo baxeen eedo sheegaya in uu wax xadayey, waxaana sidaa muujiyey muuqaal la helay oo tusaya isaga oo buug ka xadaya maktabad buugaagta lagu iibiyo.

Recardo Valero oo 77 jir ah ayaa waxa uu is casilaadiisa ku sababeeyey duruufo caafimaad waxaanu wasiirka arimaha dibadda ee Mexico sheegay in danjiraha laga dawaynayo cudur ku dhaca habdhiska dareen wadka.

Valero ayaa bishan xukuumadiisu dib ugu yeedhay ka dib markii muuqaal ay duubeen kamaradaha ilaalada maktabad ku taal magaalada Buenos Aires muujiyey isaga oo ka sii baxaya wax lacag ahna aan bixin.

Waxaa se haatan lagu eedeeyey inuu isku dayey inuu shaadh ka xado dukaan ku yaal madaarka.

Diblomaasigaas ayaa ku soo baxay bogagga hore ee wargeysyada ka dib markii lagu qabtay isaga oo ku jira maktabadda buugaagta iibisa ee El Ateneo Grand Splendid bishii Oktoobar oo buug ka soo qaadaya miiskii uu saarnaa oo intuu wargeys uu sitay ku laabay iska baxay.

Buuggaas oo qiimihiisu ahaa 10 doolar ayaa la sheegay inuu ka hadlayey taariikh nololeedkii Giacomo Casanova oo ahaa qoraa, askari iyo basaas Talyaani ahaa oo noolaa qarnigii 18-aad.

Wuxu ku baxsaday xasaanadiisa diblomaasinimo oo arintaas laguma dacwayn laakiin waxa u yeedhay wasaaradda arimaha dibadda Mexico markii muuqaalkaasi soo baxay ee dadka wada gaadhay.

Valerno ayaa hadana sida la sheegay mar kale isku dayey in uu shaadh ka xado dukaan ku yaalla madaarka Ezeiza International Airport ee magaalada Buenos Aires markuu sugayey diyaaraddii uu Mexico u sii raaci lahaa.

Wasaaradda arimaha dibada Mexico ayaa Axaddii ka aqbashay is casilaaddii.

“Ricardo Valero waa qof qaali ah waxaana haatan laga daweynayaa cudur ku dhaca habdhiska dareen wadka waxaaxan u rajaynayaa caafimaad degdeg ah” ayuu wasiirka arimaha dibadda, Marcelo Ebrard ku qoray barta uu ku leeyahay Twitter-ka.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa iyadna sidoo kale ku warantay in hab dhaqanka Valero mudoba ay la socdeen dhakhaatiirtu tan iyo 2013-kii oo laga qalay buro ka soo baxday maskaxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here