Safiirada Qadar iyo Turkiga oo gaaray magaalada Beledweyne

safiirada qatar iyo turkey

Safiirada dalalka Turkiga iyo Qadar ee dalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdiga ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ka socda caalamka oo soo gaara magaalada Beledweyne oo ay ku dhufteen daadad ka soo rogmaday wabiga Shabeelle, iyadoo dhinaca kale uu soconayo gurmad heer caalami ah oo loo fidinayo dadka ay fatahaaduhu saameeyeen.

Wafdiga ayaa kulamo la qaatay madaxda dowlad goboleedka Hirshabeelle ee ku sugan magaalada Beledweyne iyagoo ka wadahadlay sidii la isaga kaashan lahaa wax uq abashada shacabka ay fatahaaduhu saameeyeen.

Gargaar ay dowlada Qadar ugu deeqday dadka fatahaaduhu ay saameeyeen ayaa la gaarsiiyay magaalada Beledweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here