Safiirka Imaaraadka Carabta ee Somalia oo la kulmay Ergeyga QM James Swan

james swan iyo uae amb M Axmed Cusmaan1

Safiirka Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan oo todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa Muqdisho ayaa maanta Xarunta Safaaradda ee Muqdisho kula kulmay Safiirka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan.

Qoraal kooban iyo sawirro lagu daabacay barta Twitterka ee Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho ayaa lagu shaaciyay kulankan, inkastoo aan tafaasiil dheeraad ah laga bixin.

Safiirka Imaaraadka Carabta ayaa dhowaan dib ugu soo laabtay Muqdisho, kaddib muddo sanad iyo bilo uu ka maqnaa, markii u horeysay oo uu soo muuqdo waxay aheyd furitaankii Machadka Tababarada Diblomaasiyadda oo dhowaan dib u dhis lagu sameeyay, kaasoo ay maalgelisay dowladda Qatar.

Saameynta Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya ayaa hoos u dhac ku yimid tan iyo wixii ka dambeeyay markii dowladda Soomaaliya ay xayirtay diyaarad laga lahaa Imaaraadka Carabta, isla markaana waday lacag gaareysa illaa 10 milyan oo dollar, lana wareegtay dowladda Soomaaliya.

Tallaabadaas ayaa ka careysiisay Imaaraadka Carabta kuna tilmaamtay in dowladda Soomaaliya ku xadgudubtay diblomaasiyadda, iyadoo ka dalbatay raalligelin cad ah inay ka bixiso dowladda Soomaaliya ficilkaas.

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa mugdi galay, iyadoo Imaaraadku hakiyay howlihii uu ka waday Soomaaliya sida saldhiggii tababarka ciidamada ee ay gacanta ku hayeen, Isbitaalkii iyo howlihii kale diblomaasiyadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here