Safiirka Mareykanka ee Kenya oo la saftay DF, kuna gacan seeray doodda Kenya ee qaraarka 1267

somalia kenya flag

Afhayeenka Golaha Qaranka ee Kenya Justine Muturi iyo safiirka Mareykanka ee kenya Kyle McCarter ayaa waxaa dhex-maray dood kulul oo ku saabsan qaraarkii Kenya ay ku fashilantay ee golaha ammaanka ee QM.

Muturi ayaa Dowladda Mareykanka ku eedeeyey inay diiday dalabkii Kenya ee ahaa in Al-Shabaab loo aqoonsado koox argagixiso caalami ah.

Muturi  ayaa tallaabada uu Mareykanka qaaday ku tilmaamay inay tahay mid Al-Shabaab u fududeeneyso inay lacago ka helaan hay’ado ajaanib ah.

“Maskaxda ayaan ku hayaa go’aankii ugu dambeeyay ee Mareykanku ku diiday inuu Al-Shabaab ugu aqoonsado koox argagixiso ah. Tani waxay xaqiijineysaa inay kooxdu noqoneyso mid hesho maal-gelin xitaa canshuur bixiyeyaasha,” ayuu yiri Muturi.

Waxaa durba arrintaas ka jawaabay Safiirka Mareykanka u fadhiyo dalka Kenya Kyle McCarter kaasoo sheegay inuusan Mareykanka waligiis ku fashilmin inuu Kooxda mintidiinta ee ka dagaalanto Soomaaliya u aqoonsado koox Argagixiso ah.

Sida laga soo xigtay McCarter, Mareykanka wuxuu taageeray qaraarka Qaramada Midoobay ee lambarkiisa yahay 751 kaasoo Al-Shabaab u aqoonsanayo inay yihiin koox argaggixiso, isagoo beeniyay eedeymaha uu u jeediyay Afhayeenka Golaha Qaranka ee Kenya Justine Muturi.

Qaraarka 751 ayaa sidoo kale ah midka ay taageereyso dowladda Soomaalida oo diidan qaraarka Kenya ee 1267.

“Tani wax su’aal ah kama taagno, Mareykanka Al-Shabaab wuxuu u aqoonsan yahay urur argagixiso, waxaana mar kasta u isticmaaleynaa kooxdaan wax kasta oo ku jira qaraarkaas “ ayuu yiri McCarter.

Si kastaba ha ahaatee McCarter ayaa sheegay in Mareykanka uusan ku qanacsaneyn codsiyada Kenya ee ah in ay joojiso dhammaan gargaarka bini’aadannimo ee la geeyo Soomaaliya oo kasoo kabaneysa dagaalo sokeeye.

“Arintaani waa arrin u baahan in maanta si cad loo cadeeyo. Codsiga ka yimid Kenya wuxuu ahaa qaraarka 1267 oo ay ku jirto in meesha laga saaro daryeelka bani’aadamnimada ee Soomaaliya” ayuu yiri McCarter.

Labada mas’uul ayaa hadalkaan isku dhaafsaday intii ay socotay Xafladda furitaanka shirkii sirdoonka iyo Amniga Baarlamaanka ee Isniinta ka dhacay Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here