Safiirka Mareykanka ee Kenya oo Muqdisho u yimid arrimo la xiriira Kiiska Badda

usamb Kenya Kayle McCarter

Wargeyska Daily Nation ayaa wareysi la yeeshay Safiirka Mareykanka u jooga Kenya Kayle McCarter, iyadoo  mid ka mid ah su’aalaha la weydiiyay ay la xiriirtay muranka badda ee dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya iyo waxa uu yahay mowqifka Mareykanka.

Kyle McCarter ayaa sheegay in Mareykanka  ay ka shaqeyneyso in wax walba lagu xaliyo miiska wada hadalka, wuxuu kaloo tilmaamay  inuu Muqdisho tagay, kalana hadlay Madaxweyne Farmaajo inuu dacwada ka soo saaro maxkamada, oo arrinta wadahadal lagu xaliyo.

Sidoo kale waxaa uu intaa ku daray in Farmaajo iyo Uhuru ay u sheegeen in caqabada ugu weyn ay tahay in laga adkaado Al-Shabaab.

“Waxaan u imid Muqdisho si aan ula hadlo Madaxweynaha Soomaaliya, waxaan u sheegay inuu ka soo saaro kiiska maxkamadda, waxaan u sheegay Farmaajo iyo Kenyatta in caqabadda ugu weyn ay tahay in laga adkaado Al-Shabaab, taasina waa sida kaliya ee aan uga faa’iidaysan karno guulaha dhaqaalaha buluugga ah”ayuu yiri Safiirka Mareykanka u jooga Kenya.

Isagoo sii hadlayay ayaa yiri “Madaxweyne Kenyatta wuxuu sameynayaa wax walba oo karaankiisa ah waana ku sii wadi doonnaa dadaallada aan ku xallineyno arrinta”

Dowladda Somalia ma sheegin socdaalka uu Kyle McCarter ku yimid Muqdisho, kaas oo u muuqda inuu qarsoodi ahaa, balse hadalkaan ayaa imaanaya iyadoo todobaadkii la soo dhaafay ay Maxkamadd ICJ dib u dhigtay wajiga labaad ee dhageysiga muranka badda ee Kenya iyo Soomaaliya, taasoo shaki badan dhalisay sababta mar labaad dacwadaas dib loogu dhigay.

Waxaa muuqata caqabad weyn madaama Mareykanka oo galaangal badan ku leh arrimaha Soomaaliya iyo adduunka, isla markaana uu doonaayo in meel ka baxsan maxkamada lagu xaliyo doodda badda ee Soomaaliya iyo Kenya, tiiyoo ay jirto in wajiga labaad ee doodda lagu aadiyay xilli ay Somalia ku jirto xaalad doorasho.

Wareysigan wuxuu kusoo baxay cadadkii maanta ee wargeyska Daily Nation, wuxuuna safiirku ka hadlay arrimo u badnaa kuwa gudaha Kenya.

Halkan riix si aad u akhrisato Linki-ga:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here