Safiirka Mareykanka oo DF u sheegay xal ay ku joojin karto dadka garsoorka u doonta kooxda Al-Shabaab

GM Sarre Baasha Yuusuf Axmed iyo Donald Y Yamamoto

Gudoomiyaha Maxkamadda Sarre ee Soomaaliya, Baasha Yuusuf Axmed, ayaa magaaladda Muqdisho, wuxuu kulan kula yeeshay danjiraha Mareykanka, Donald Y. Yamamoto.

Kulanka oo ka qabsoomay safaaradda xukuumadda Washington ee magaala madaxda waddanka ayaa waxaa looga arrin-sadey arrimo ay kamid yihiin xaalada garsoorka dalka iyo dib habeynta ku socota.

Mr Baashe ayaa waxa uu u sheegay diblumaasiga in ay ka shaqeynayaan sidii ay u soo celin lahaayeen kalsoonida ay bulshadu ku qabaan Maxkamadda dowladda iyo nidaamka cadaaladeed ee qaranka.

Yamamoto oo hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay soo celinta kalsoonida dadweynaha ayaa waxa uu u balanqaadey gudoomiyaha in ay kala shaqeyn doonan qorsheyaashi ay wadaan.

Garsooreyaasha federaalka ayaa waxaa aad loogu dhaliilaa “in ay qaataan laaluush, ayna cadaalado darro u xukmiyaan muwaadinka sharciga u lahaa gal-dacwadeedka”.

Tani ayaa dhabaha u xaartay in rayidka qaarkii ku nool magaaladda caasimadda ah ay cadaalad u raadsadaan dhanka argagixisadda AlShabaab, taasi oo xukuumadda digniin horey uga soo saartay.

Inta badan dadka garsoorka u doonta xoogaga gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida ayaa waxaa la wariyaa in ay isku hayaan lahaanshiyaha dhul ama kiisas kale.

Yamamoto oo qadiyaddan kusoo qaadey Baashe ayaa lagu waramayaa in uu kula taliyey in “qaabka kaliya ee wax looga qaban karo ay tahay soo nooleynta kalsoonida rayidka ku qabo garsoorka dowladda”.

Mareykanka ayaa ka taageera Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah AlShabaab, dhaqaalaha iyo barnaamjiyadda horumarinta oo ay kamid tahay arrimaha bini’aadanimadda iyo kobcinta dakhliga.

AlShabaab oo Muqdisho laga saarey 2007-dii kadib guluf balaaran ayaa wali saameyn ku leh, waxayna ka fulisaa weeraro dhiig ku daato xili ay sanad walba ka hesho malaayiin dollar, iyagoo u maray canshuur uruurin.

Xigasho: Garowe Online

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here