Safiirka Shiinaha ee Somalia oo qaaday tallaabooyin ka sii daraya xiisadda Taiwan

farmaajo iyo Qin Jian

Dowladda Shiinaha ayaa dib u billowday xiisad xoogan oo muddooyinkii dambe kala dhaxeysa Taiwan, oo ay ku doodo inay tahay qeyb ka tirsan dhul-weynaheeda, halka ay iyaduna taasi badalkeeda ku andacooneyso.

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Amb. Qin Jian ayaa saddexdii maalmood ee u dambeeyay baraha bulshada ku baahinayay hadalo u muuqday kuwo uu ku durayo Taiwan, isla markaana meesha ka saareysa madax-banaanida ay sheegato.

Safiirka ayaa carabka ku adkeeyay in Taiwan oo sheegata inay hore uga go’day Shiinaha ay weligeedba ka sii mid ahaan doonto, ayna si adag u ilaalin doonaan madax-banaanida dhulkooda, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuuna meesha ka saaray in Shiinuhu duulaan uu ku yahay dalalka xiriirka la sameystay Taiwan, balse uusan aqbali doonin in dhul-weynihiisa la kala gooyo, isla markaana uusan diyaar u aheyn inuu lumiyo taako dhulkiisa kamid ah.

“Shiinaha ma weerari doono dalal kale, laakiin weligii ma ogolaan doono inuu dalna weerarro. Ma dhiiri-geliyo khilaafaadka, laakiin weligii kama baqdo. Madax-bannaanida dhuleed, waxay la xidhiidhaa Sharafta dalka iyo Qaranka. Waddan walba wuxuu si adag u ilaalin doonaa Madax-banaanidiisa dhuleed, weligiina ma lumin doono Taako dhul ah” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu qoraal kale oo uu baahiyey ku yiri “Shiinaha wuxuu leeyahay Taariikh iyo dhaqan 5000-kun sano ah, Taiwan waxay ahayd dhulka Shiinaha 5000-kun sano ka hor, waxayna ka sii mid ahaan doontaa dhulka Shiinaha illaa dunida la rogo”.

“Shiinaha wuxuu diyaar u yahay inuu sameeyo Wax walba Qiimo kasta ha ku kacee, Marna uma ogolaanayo Taiwan inay ka go’do dhulka China, waxaanuna si adag u difaaci doonaa dhulkayaga Qaran”.

Xiisada Taiwan iyo Shiinaha ayaa sarre usii kacday, kadib markii Taiwan ay xiriir diblumaasiyadeed ay la sameysatay Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here