Kadib munaasabad ka dhacday xarunta madaxtooyada magaalada Addis-abab ee caasimadda dalka Itoobiya ayaa warqadaha aqoonsiga Safiirnimo loogu guddoomay Safiirka dowladda Soomaaliya ay u magacowday dalka Itoobiya Cabdixakiin Cabdullaahu Xaaji Cumar Cameey.
Madaxweynaha dalka Ethiopia Sahle -work Zewde ayaa si rasmi ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo uga guddoontayy safiirka Soomaaliya ee dalkaasi, taasi oo qeyb ka ah xoojinta xiriirka labada dal sida laga soo xigtay safiirka
Munaasabadda soo dhaweynta ah waxaa ka qeyb-galay diplomaasiyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi Itoobiya iyo xubno mas’uuliyiinta madaxtooyada waddanka Ethiopia.