Safiirka Sweden ee Somalia oo Guddiga doorashooyinka Qaranka kala hadlay Doorashada 2021

safiirka sweden iyo xaliimo yareey

Gudoomiyaha Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaacil Ibraahim ayaa maanta Xarunta dhexe ee guddiga kula kulantay safiirka Sweden u fadhiya dalka Soomaaliya Mudane Staffan Tillander.

Soo dhawayn ka dib gudoomiyaha ayaa warbixin ka siisay safiirka hawlaha u diyaar garowga doorashooyinka dhici doono dabayaaqada sandkaan 2020 iyo sida uu GMDQ ugu diyaar garoobay fulinta doorasho qof iyo cod ah.

Safiirka iyo gudoomiyaha Guddiga ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee labada aqal ka qabteen sharciga doorashooyinka, iyadoo Golaha Shacabka uu horey u soo ansixiyay Sharciga Doorashooyinka halka Aqalka Sare na la filaayo in uu dhawaan ansixiyo.

Safiirka ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee guddiga uu ka qabtay u diyaargarowga hawlaha doorashada sidoo kalana waxa uu sheegay in dowladda Swedan ay diyaar u tahy taageerada hawlaha guddiga si uu xaqiijiyo doorashada qof iyo cod ah oo Soomaaliya ka dhacdo.

Ugu danbayn gudoomiya Xaliima ayaa u mahadcelisay dowlada Sweden sida ay u garab taaganyihiin hawlaha dowlad dhisidda Soomaaliya oo arimaha doorashooyinkana qayb ka yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here