Safiirka Turkey oo ka hadlay qaraxii Ex-Control Afgooye iyo sheegashada Shabaab

Turkish emb somalia29102015 4

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Mehmet Yılmaz ayaa ka hadlay weerarkii 28-kii December ka dhacay Ex-Control Afgooye, una jawaabay ururka Al-Shabaab oo sheegtay in weerarkaas ay la beegsadeen Turkish-ka.

Ugu horreyn safiirka ayaa tilmaamay in aysan u kala soocneyn Soomaalida iyo Turkida, islamarkaana uu aad uga xun yahay dhacdadaasi oo ay uga dhinteen labo Muwaadiniin oo ka shaqeynayey dhismaha waddada Muqdisho iyo Afgooye.

“Aadbaan uga xumahay waxaa naga dhintay laba qof oo muwaadiniin Turkish ahaa waxaan sidoo kale ku weynay walaalo badan oo Soomaaliyeed, annaga nooma kala soocna Soomaalida iyo Turkishka.” ayuu yiri Mehmet Yılmaz oo la hadlaayey VOA.

Sidoo kale wuxuu beeniyey tirada ay baahisay Al-Shabaab ee ah inay weerarkaas ku dishay 4 saraakiil Turkish ahaa, 4 qandaraasleyaal ahaa oo la shaqeynayey ciidamada Turkiga, hal Turjuman iyo 12 Waardiye.

Danjiraha ayaa xaqiijiyey in weerarkii Ex-Control kaliya ay uga dhinteen labo muwaadiin oo ka shaqeynayey dhismaha jidka dheer ee isku xira magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, isagoo meesha ka saaray inay ahaayeen Injineero.

“Ma hayo tirada Soomaalida u shaqeyneysay shirkadda dhismaha ee ku dhintay weerarkaasi waxaan xaqiijiiyey in laba muwaadin oo Turki ah ay dhinteen mid wuxuu ka shaqeynayey dhismaha waddada Muqdisho iyo Afgooye, ka kelena wuxuu ku shaqenayey mashiinadii iyo qalabka dhismaha, sida Baldoosta, ma aheyn Injineero” ayuu markale yiri safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya.

Mr. Yılmaz ayaa sidoo kale ka hadlay bartilmaameedka weerarkaan oo Al-Shabaab ay sheegatay inuu ahaa kolonyo ay la socdeen muwaadiniin Turki ah, wuxuuna sheegay in maalmaha soo socda ay heli doonaan sawirka iyo cida bartilmaameedka uu ahaa, islamarkaana ay ka war sugayaan mas’uuliyiinta Soomaaliyeed.

‘Waan maqalnay waan aqrinay hadalkaasi maalmaha soo socda ayaa sawirka heli doonaan cida bartilmaameedku ahaa mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ayaa dhacdadaas ka shaqeynaya waxaan qiyaasayaa inay ka gun gaari doonaan fikrad fiican ayaan markaas ka heysan doonaa bartilmaameedka.” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in Soomaaliya ay u joogaan kaliya inay wax u qabtaan dadka Soomaaliyeed, sidoo kalena howsha ay qabtaan ay ugu muhiimsan tahay arrimaha bani’aadanimada, tan iyo sanadkii 2011kii.

“Waxaan anagu halkaan u joognaa inaan wax u qabano Soomaalida shirkaduhu waxa ay u shaqeynayaan walaalaha Soomaaliyeed sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha iyo kaabayaasha Soomaaliya howsheenu waxa ay aheyd mid bani’aadanimo, tan iyo 2011-kii sidaasi darteed aadbaan uga xunahay in Soomaali iyo Turki loo waxyeeleeyo dadaalkaasi.” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey.

Turkiga ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero dowladda federaalka, isagoo todobaadkan Muqdisho u soo diray diyaarad siday daawo iyo dhaqaatiir, sidoo kalena qaaday qaar ka mid ah dhaawacyadii darnaa ee ku waxyeeloobay weerarkii xoognaaa ee subaxdii Sabtida aheyd ka dhacay isgoyska Ex-Control Afgooye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here