Sagaal qof oo ku geeriyootay isbitaalka Martiini ee la dhigo dadka qaba COVID-19

Coronavirus

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa shaacisay in xalay oo kaliya ay sagaal qof ku geeriyoodeen isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho, oo ah halka lagu hayo dadka qaba cudurka COVID-19.

Qoraal ay wasaaradda soo dhigtay barteeda facebook ayey ku tiri “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa dhammaan qoysaskii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen 9 bukaan kuwaas oo xalay ku geeriyooday isbitaal Martiini.”

Ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda ayaa Caasimada Online u sheegay in dadkan ay isugu jiraan kuwa hore isbitalka loo jiifiyey oo la xaqiijiyey inay qabaan COVID-19, iyo kuwa ayaga oo garaab ah laga keenay isbitaallada gaarka ah ee Muqdisho, kuwaas oo dhintay ayaga oo aan weli la baarin, balse qabay astaamaha cudurka.

Ugu yaraan saddex ka mid ah dadkan ayaa xalay la keenay isbitalka, isla xalayna geeriyooday.

Wasaaradda ayaa sidoo kale qoraalka ay soo saartay ku tiri “DIGNIIN: Waxaa soo kordhaya bukaannada uu soo ritay caabuqa ee isbitaallada gaarka loo leeyahay u soo gudbinayaan marka xaaladdoodu gaarto heer aan waxba laga qaban karin, taas oo sababta in Ia badbaadi waayo bukkaano badan oo ay dhaqaatiirtu aaminsan yihiin in Ia bad baadin karay haddii xilli hore Ia soo gudbin lahaa.”

“Sidaas darteed dhammaan lsbitaallada waxaa looga digayaa in bukaannada leh istaamaha safmarka COVID-19 ay ku hayaan waa waajib saaran maamulka isbitaallada inay soo gudbiyaan bukaannada Isla marka ay ku arkaan astaamaha COVID-19.”

Tiradan ayaa ah tii ugu badneydn ee dad 24 saac gudahood cudurka Coronavirus ugu geeriyooda isbitaalka Martiini.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here