Saldhigga Al-Shabaab ee Jilib oo duqeyn lagu burburiyey

AlShabaab drone

Taliska ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa faah faahin dheeri ah ka bixiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo diyaaradahooda ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee ku yaalla koonfurta Soomaaliya.

Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa taliska Africom wuxuu sheegay inay la beegsadeen xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo ku sugnaa agagaarka degmada Jilib ee gobolkaasi.

Warsaxaafadeed ka soo baxay AFRICOM ayaa sidoo kale lagu sheegay in duqeyntaasi oo ay  gacan ka geysteen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda Soomaaliya lagu burburiyey saldhig ay dagaalyahannada Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi.

Ma shaacin khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ee ka dhashay weerarkaan, marka la tago burburinta saldhiggaasi.

Sidoo kale warka ka soo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in duqeynta ay fuliyeen diyaaradahooda aysan wax khasaare ah ka soo gaarin dadka rayidka ah.

Ugu dambeyn dowladda Mareykanka ayaa ballan qaaday inay xoojin doonto dagaalka adag ee ay kula jirto Al-Shabaab, gaar ahaan duqeymaha ay la beegsato kooxdaasi.

Tan iyo 2019-kii Mereykanka ayaa sare u qaaday howlgalkiisa ka dhanka Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here