SAMIA HASSAN oo kitaab qur’aan ah loogu dhaariyey madaxweynaha Tanzania

Mama Saamiya Suluhu Xasan2

Samia Suluhu Hassan ayaa taariikhda u gashay dalka Tanzania kadib markii ay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee dalkaas madaxweyne ka noqota, waxeyna badashay John Magafuli oo si lama filaan ah geeridiisa loo baahiyay.

Haweeneydaan ayaa maanta loo dhaariyay xilka madaxtinimada dalka Tanzania iyadoo Kitaabka Qur’aanka gacanta ku heysata, waxeyna dhaarinta ka dhacday aqalka looga taliyo dalka ee ku yaalla caasimadda ganacsiga dalkaas Dar es Salam.

Ibraahim Juma oo ah xaakimka guud ee dalkaas ayaa dhaariyay Samia Suluhu Hassan, waxeyna muddo 6-sano ah ku xigeen u aheyd madaxweynahii geeriyooday, waana qof ay aad u amaaneen xildhibaanada dalkaas.

Samia waxey xukunka dalkaan sii heyneysaa muddo afar sano ah iyo bar ah oo ka dhiman muddo xileedka madaxweynahii geeriyooday, waxaana kadib loo dareeri doonaa codeynta lagu dooranayo madaxweynaha xiga sida uu qabo Dastuurka dalka Tanzania.

“Aniga, Samia Suluhu Hassan, waxaan ballanqaadayaa inaan daacad noqdo oo aan adeeco oo aan ilaaliyo dastuurka Tansaaniya” ayey tiri Saamiya Xasan kadib dhaarinteeda.

Sidoo kale waxey aad ugu fogaatay amaanta madaxweynahii geeriyooday ee dalkaas John Magafuli kaas oo ay tan iyo 2015 lasoo shaqeyneysay.

Haweeneydaan waxaa si weyn loogu xasuustaa iney isbitaalka ku booqatay hogaamiyaha Mucaaradka Tundu Lisu kaas oo dil ka badbaaday sanadkii 2017, tallaabadaas dad badan ayaa ku taageeray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here