Saraakiil iyo ciidamadii shalay Axmed Madoobe Beled Xaawo u diray oo Ciidamada Somalia ku biiray

ciidamada jubaland df kubiiray

Saraakiisha Ciidanka Dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay Maanta so bandhigeen Ciidamo iyo Saraakiil ay sheegeen inay kamid ahaayeen Ciidanka Jubbaland balse kusoo biiray kuwa Dowladda.

Saraakiishaan iyo Ciidamada oo qaarkood Warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in habeen ka jor laga keenay degmada Dhoobleey, isla markaana la geeyey Magaalada Mandheera loona sheegay inay cadaw la dagaalamayaan, isla markaana la geeyey Magaalada Xaduudka ku taalla ee Mandheera.

Waxaa ay sheegeen in loo sheegay inay la dagaalamayaan dad cadaw ah balse ay iyagu diyaar u noqoneyn inay la dagaalamaan Ciidamada Dowladda sidaas daraadeedna ay uga soo tageen kuna yimaadeen Beled-Xaawo.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Gobolka Gedo ahna madaxa Amniga degmadaas Cusmaan Nuur Xaaji Macalimow ayaa sheegay in Magaalada Mandheera Kenya ay kasoo abaabuleyso weeraro lagu soo qaado Beled-Xaawo, hayeeshee Ciidamada u sugan ay yihiin kuwo ka tirsan Dowladda.

Waxaa uu sheegay Guddoomiye kuxigeenka in Ciidamada ku sugan Mandheera ay yihiin kuwo weli mushaar ka qaata Dowladda Soomaaliya lagana jari doonin, sidoo kalena uu rajeynayo inay halkaasi kasoo tagaan yimaadaana Magaalada Beled-Xaawo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here