Saraakiil loo xiray maxaabiistii Shabaab ka tirsanaa ee ka baxsaday Xabsiga Dhexe

xabsiga dhexe xamar

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa Xabsiga dhigay ilaa seddex sarkaal oo loo heysto seddex maxbuus oo maalmo ka hor ka baxsaday xabsiga Dhexe ee Muqdisho.

Sidoo kale Taliska Asluubta ayaa xiray askar ka tirsan ilaalada Xabsiga oo lagu tuhunsan yahay inay la shaqeenayeen maxaabiistii xabsiga ka baxsatay ee xukunada kala duwan ku xukunaa.

Ragga baxsaday ayaa la sheegay inay ku xakumanaayeen xabsiyo dhaadheer kaddib markii lagu eedeeyay kamid ahaanshiyaha Al-shabaab iyo dhibaatooyin ay ka geysteen gudaha dalka.

Mid ka mid ah maxaabiista baxsaday ayaa ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen in la qabto, waxaana lagu qabtay agagaarka Kawaanka Xamar Weyne, balse weli waxaa la la’yahay laba ka mid ah maxaabiista.

Labada maxbuus ee weli ka maqan gacanta dowladda ayaa mid ka mid ah wuxuu ku xukunnaa xabsi daa’in halka mid kale uu ku xukunnaa 15 sano.

Saraakiisha la xiray ayaa la sheegay inuu ku jiray taliyaha heegganka heystay habeenkii ay baxsadeen saddexda maxbuus.

Weli wax war ah kama aysan soo bixin Taliska asluubta Soomaaliyeed ee ku aaddan dhacdadaan, balse waxaa jiray isbeddel ay ku sameeyeen Taliska xabsiga dhexe ee xamar oo taliye cusub loo magacaabay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here