Saraakiil Mareykanka ah oo shaaciyey in Kim Jong Un ku sugan yahay xaalad halis ah

kim jong un

Qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka oo soo xiganaya saraakiil dowladeed ayaa sheegaya in hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi Kim Jong Un uu ku ku sugan yahay “xaalad halis ah” kadib markii qalliin looga sameeyey wadnaha.

Taleefishinka CNN ayaa sarkaal sare oo Mareykan ah oo arrintan xog-ogaal u ah kasoo xigtay in Washington “ay isha ku hayso xog sirdoon” oo sheegeysa in xaaladda Kim ay liidato.

Warbaahinta Bloomberg ayaa iyana kasoo xigatay sarkaal aan la magacaabin in xaaladda Kim ay ka dartay markii qalliinka lagu sameeyey.

Kim ayaa la sheegay inuu seegay dabaal-degga sanad-guurada dhalashada awoowgiisa oo ku beegneyd 15-kii April, taasi oo dhalisay xan ku saabsan xaaladdiisa caafimaad. Waxaa kulan dowladeed lagu arkay afar maalin ka hor xilligaas.

Sarkaal kale oo la hadlay CNN ayaa sheegay in ay jiraan walaacyo ku saabsan xaaladda caafimaad ee Kim balse ay adag tahay in la qiimeeyo heerka ay le’eg tahay.

Wargeyska Online ah oo lagu magacaabo Daily NK, oo fadhigiisu yahay Korea-da Koonfureed, ayna leeyihiin mucaaradka Pyongyang, ayaa weriyey in Kim lagu sameeyey qallin wadnaha 12-kii April.

Kim ayaa qalliinka wadnaha loogu sameeyey sababo la xiriira “sigaar cabis xad dhaaf ah, cayil iyo shaqada oo ka tan badatay” sida uu weriyey wargeyska Daily NK, kaasi oo intaas ku daray in lagu daweynayo Villa ku taalla magaalada Hyangsan.

Kadib markii la sheegay in xaaladdiisa ay horumar sameysay, ayaa inta badan shaqaalaha caafimaadka ee daweeyey ay kusoo laabteen Pyongyang 19-kii April.

CNN ayaa intaas ku dartay in warbixinada Daily NK aan si madax-banaan loo xaqiijin karin.

REUTERS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here