Saraakiil sare oo lagu dilay Itoobiya iyo xiisadda dalkaas oo kasii dareysa

banaanbax ethiopia

Wasaaradda waxbarashada dalka Itoobiya ayaa maanta shaacisay in la dilay labo sarkaal oo kamid ah shaqaalaheeda, xili ay ku gudo jireen gudashada waajibaadkooda shaqo, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda.

Shaqaalaha la dilay ayaa xiligaasi ku sugnaa deegaan ka tirsan gobolka Cafarta ee Itoobiya, halkaasi oo ay kusoo weerareen dabley hubeysan oo ilaa hadda haybtooda la garaneyn.

Labadaasi ruux ayey wasaaradu magacdooda ku kala sheegtay Maluto iyo Abebow, kuwaasi oo kaalin mug leh kasoo qaatay arrimaha waxbarashada ee Itoobiya, sida lagu xusay qoraalkaasi.

War-saxaafadeedka wasaarada ayaa sidoo kale waxa loogu tacsiyadeeyay ehellada iyo qoyska ay ka baxeen labadaasi shaqaale, iyada oo lagu sheegay in cadaalada la horgeyn doono dadkii ka dambeeyay, xili ay socdaan baaritaano hordhac ah oo falkaasi la xiriira.

Dilka saraakiishan ka tirsan wasaarada waxbarashada ayaa dhaliyay xiisad cusub, iyada oo banaanka keentay xaalada amni ee dalkaasi, tan iyo markii uu galay xaalada cakiran, waxaana sii kordhaya dilalka ku saleysan qowmiyadaha.

Itoobiya ayaa iyadu muddooyinkii dambe wajaheysay qalaalase xoogan, taasi oo ka dhalatay dib u dhaca doorashada dalkaasi iyo tallaabooyinkii u dambeeyay ee ay qaaday xukuumada Abiy Ahmed.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa dhowaan sheegay in dagaal-yahanno ku lug lahaa weeraro lala beegsaday dad shacab ah oo dhowaanahan ka dhacayey galbeedka dalkaas, lagu soo tababaray oo ay gabaad ku heleen Sudan.

Dowladda Abiy ayaan horey faah-faahin badan uga bixin waxa sababay rabshadaha gobolka Benishangul-Gumuz region, kuwaasi oo siyaasiyiinta mucaaradka ay ku qeexeen kuwa salka ku haya qowmiyado.

Mucaaradka Amxaarada ayaa sheegay in rabshdaha ay ka dambeeyaan meelshiyo kasoo jeeda qowmiyadda Gumuz, kuwaas oo beegsanaya qowmiyadda Amxaarada.

Ugu yaraan 12 qof ayaa lagu dilay weerar ka dhacay aagga Metekel toddobaadkii tegay, halka 15 kale ay ku dhinteen weerar la mid ahaa oo dhacay bishii September.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here