Saraakiil Sarsare oo Xisbiga Waddani ee Somaliland ka tirsan oo xabsiga loo taxaabay

xoghayaha waddani khadar

Wararka naga soo gaaraya Magaalada hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa sheegaya in xabsiga loo taxaabay Saraakiil Sarsare oo Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ka tirsan.

Masuuliyiinta xarigooda la xaqiijiyey ayaa waxaa ka mid ah Xoghayihii Guud ee Xisbiga Khadar Xuseen Cabdi iyo Afhayeenkii xisbiga, Barkhad Jaamac Batuun.

Xariga Masuuliyiintan ayaa loo aanaynayaa inuu daba socdo isu imaatin uu Xisbigu berito ugu yeeray taageerayaashiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here