Sarkaal ka tirsanaa Shabaab oo isku dhiibay DF Soomaaliya

sarkaal sabaab kabaxay Yarow X Aadan

Yarow Xasan Aadan oo ahaa sarkaal sare ka tirsanaa ururka Al-Shabaab ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka Milatariga dowladda federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Sarkaalkan oo sidoo kale loo yaqaano Seyfu-Laah ayaa Al-Shabaab ka tirsanaaa muddo fog, waxaana uu ka soo dagaalamay gobollo badan oo ka tirsan dalka.

Seyfu-Laah ayaa Al-Shabaab u qaabilsanaa isku xirka dagaalyahannada kooxdaasi iyo hor-joogayaashooda, sida ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda Soomaaliya.

Yarow Xasan Aadan oo la wareystay ayaa sheegay inuu gabi ahaan ka tanaasulay fikirkiisii hore, islamarkaana uu dalbanayo in la cafiyo.

Sidoo kale wuxuu shaaciyey in sababta uu uga soo baxay Al-Shabaab ay tahay weerarada macno darrada ah ee ay geysato, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in haatan uu diyaar u yahay inuu la dagaalamo dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab oo uu markii hore ka tirsanaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here