Sarkaal sare oo Faransiis ah oo loo heysto basaasnimo

askari france

Wasaraadda gaashandhigga ee dalka Faransiiska ayaa sarkaal sare oo katirsan ciidamada Faransiiska ku eedeysay in uu sir ama macluumaad xasasi ah u gudbiyay dal shihseeye.

Qaar kamid ah warbaahinta Yurub ayaa kusoo warramay in sarkaalkan oo haatan baaritaan uu ku socdo uu katirsanaa ciidamada Nato ee jooga dalka Talyaaniga.

Korneylkan ayaa looga shakiyay in xog xasaasi ah uu u gudbiyay sirdoonka dalka Ruushka, sida ay kusoo warrantay warbaahinta Europe 1. Ninkan ayaa haatan la sheegay in uu ku xiran yahay xabsi ku yaala caasimadda Paris.

Wasiirka difaaca ee dalka Faransiiska, Florence Parly ayaa sheegtay inay sabab u aheyd in tallaabo sharci laga qaado, sarkaalkanna kiskiisa loo gudbiyay xeer ilaalinta.

“Waxaanu qaadnay tallaaba walba oo kahortag ah oo lagama maarmaan ah”, ayay tiri.

Ilo dhanka garsoorka ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in sarkaalkan uu “xog dhanka sirdoonka ah u gudbiyaya dalal shisheeye, taasina ay kahor imaneyso danaha qaranka Faransiiska”.

.
Qoraalka sawirka,Wasiirka difaaca ee Faransiiska

Warbaahinta Europe 1 ayaa sidoo kale kusoo warrantay in sarkaalkan la eedeeyay uu asal ahaan kasoo jeedaa dalka Ruushka, si wanaagsanna uu ugu hadlo luuqadda Ruushka.

Waxaa la sheegay in uu kasoo shaqeeyay taliska dhexe ee ciidamada Nato ee Naples.

Waxaa kale oo ay warbaahinta dalkaas kusoo warrantay in ninkan la xiray 10 cisho kahor xilli uu isu diyaarinayay in uu dib ugu laabto Talyaaniga, maadaama uu fasax ugu maqnaa Faransiiska.

Xariga sarkaalkan looga shakiyay in uu xog u gudbiyay dalka Ruushka ayaa timid xilli dalalka xubnaha ka ah Nato ay ku muransan yihiin mustaqbalka gaashaanbuurta Nato.

Dhammaadka sanadkii hore, madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa Nato ku tilmaamay “maskax dhimatay”, waxaana sababta uu ku sheegay hubanti la’aanta Mareykanka ee daacadnimada Nato.

Sidoo kale Nato ayaa wajaheysa culeys horleh kadib markii dalalka Greega iyo Turkig oo ka wada tirsan gaashaanbuurta Nato ay labaduba isugu dhaceen arrimo la xiriira gaaska Turkiga uu damacsan yahay in uu kasoo saaro badda Mediterranean.

Faransiiska ayaa u muuqda in uu la saftay Greega.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here